Madaxweynaha Tanzania oo arin la yaab leh markale soo rogay

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa diiday in kal-fadhiyada Golayaasha Tanzania dhexdooda lagu qaato cunto–isaga oo taas badalkeeda ku baaqay in shacabka loo muujiyo sinnaanta u dhaxeysa madaxda iyo iyaga. 
Magafuli wuxuu hoosta ka xariiqay in qarash badan uu ku baxo qoondada loo sameeyo kal-fadhiyada fudud ee golayaasha dowladda–loona baanan yahay in cabitaan iyo sharaab kaliya lagu qaato shirarka fudud. 
Madaxweynaha dhawaan-dhaladka ku ah hoggaanka koobaad ee Tanzania wuxuu taniyo doorashaiisa ku dhaqaaqay arimo xasaasi ah oo soo jiitay indhaha bulshada Afrika iyo caalamka. 
Kol dhow ay aheyd markii uu bilaabay inuu qarashkiisa ku bixiyo inuu sariiro ugu iibiyo bukaanada ku jira isbitaallada qaar ee dalka Tanzania. Halka uu diiday inuu lacago badan ku bixiyo safarada cirka ah ee uu ku sameeyo gudaha dalkiisa. Isaga oo taas badalkeeda socdaal dhulka ah safar kula galay baabuurta shacabka. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!