Muslimiin ku dhex tukaday Kaniisad

Muqdisho (Himilonews) – Sawirka idin muuqda waa walaalo Muslimiin ah oo ku dhex tukanaya qolka kamid ah Kaniisad ku taalla Brisbane, Australia. 
Tani ayaa timid kadib markii kulan-caqiidadeed lagu qabtay Kaniisadda ay sababtay inay Muslimiintu ku gaareen xilliga salaadda–kolkaas kadibna madaxa Kaniisadda uu u oggolaaday inay ku dhex tukadaan qol kamid ah Kaniisadda. 
Waxase yaabka badan ayaase ah in markii ay Muslimiintu ku tukadeen qolka Kaniisadda ay sawiradooda ku faafiyeen baraha bulshada sida facebook-ga – dadaal, sida ay sheegeen, ay ku doonayeen inay ku muujiyaan wada nolaanshaha iyo Aadane Hal Ilaah iyaga oo kala caqiido ah meel qura ku dhex baryaya.
Tani ayaa hadaba kusoo beegmaysa xilli weeraro Islaam-naceyb ah lagu hayo Muslimiinta reer Galbeedka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews.com 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!