Wax ka baro Dalalka ugu badan ee doonaya ku dhaqanka Shareecada Islaamka
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
December 15, 2015
744 Views
Muqdisho (Himilonews) – Waxaa lasoo saaray natiijada sahan lagu sameeyey dadyowga Muslimiinta ee ku nool dunida dacalladeeda sida ay u arkaan inay shareecada Islaamka isku maamulaan.
Ku dhaqanka Shareecada Islaamku waa waajib laga rabo inay dowladaha Islaamka hir-galiyaan. Hayeeshe, casriga maanta oo dulli uu hareeyey umadda Muslimiinta ah, ku dhaqanka Shareecadu waa howl adag dhaqan-galinteeda maadaama Khilaafo Islaami oo xeerkaas dabaqda aanay jirin. Midnimo la’aanta Muslimiinta ayaana sababteeda leh.
Hayeeshe, wadamada qaar ee leh aqlabiyadda ugu badan ee Muslimiinta, ayaa afti laga sameeyey dadyowgooda waxay badi muujiyeen hamuunta ay u qabaan ku dhaqankeeda.
Dalka Afghanistan ayaa soo galay booska koobaad. Halkaas oo 99% ay haa ku codeeyeen. Waxaa kusoo xiga dalalka Iraq, Falastin, Malaysia, Niger iyo Pakistan.
Hoos kasii eeg jadwalka kala horreynta dalalka kale.

Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-15
You must log in to post a comment.