Muqdisho (Himilonews) – Wadada dheer ee ka baxda is-goyska Florenca ee tagta jidka dheer ee madaxtooyada Villa Somalia ayaa dhawaan la dhisay. Wadadan oo kamid aheyd kuwii uu gaaray burburka dalka, waxaa suura-gashay in dib loo dhiso. Mahad ka gaarto kuwii dib u habeeyey. Hadda waxaa fudud in qof iyo gaari kasta uu dhib yaraan ku dul maro.Â
Wadadan ayaa sidoo kale kamid ah kuwa muhiimad socdaal u leh dadka iyo dowladda. Waxaa kusoo socdaal kolonyada ciidamada AMISOM ee fadhiya garoonka kubadda cagta ee Istadiyum Muqdisho.Â
Waxay dherer kusoo martaa afarta laami ee ugu muhiimsan caasimadda Muqdisho sida, wadada Wadnaha Ex-Umadda, wadada Sodonka “Militariga”, wadada Warshadaha iyo wadada dheer ee kasoo tagta Makka Al-Mukarrama ee loo yaqaan Xaawo Taako.Â
Hadaba, taniyo dib-u-dhiskeedii, dad badan oo isugu jira kuwo lugmaal iyo gaariley ah ayaa ku socdaala waqti kasta. Waa muhiim in marka aan aqristayaasheenna la wadaagno muuqaalka ay u egtahay maanta.Â
Sawirada soo socda waxaa ku deeqay Mr. Maxamed Cartan Xasan oo kamid ah dhalinta deegaanka gaar ahaan waaxda Horseed ee degmada Wardhiigleey.Â