Denmark (Himilonetwork) – Xukuumadda Denmark ayaa ku dhawaaqday maalintii Arbacada inay mamnuuci doonto niqaabka – dadaal, sida ay sheegeen, ay ku doonayaan inay kaga hortagaan is dhex-gal la’aanta iyo kala xiranka bulshada ee goobaha dadweynaha, sida uu The Independent u sheegay wasiirka cadaaladda Denmark, Soren Pape Poulsen. Kuwa ku xad-gudba sharciga waxaa lagu ridi doonaa ganaax dhan 1,000 kroner (£120) ama adduun ...
Read More »Author Archives: Zakariya
Qaad – Balaayo iyo Ba’ aan loo wada baraarugin.
Muqdisho (Himilonetwork) – Qaadku waa aafo ay la nool yihiin dad badan oo Soomali ah oo saameyn xooggan ku leh qoysas badan, waxaa ku kala tagay qoys iyo qaraabo, waxaa ku kala irdhoobay labo isla dhalatay iyo labo is-dhashay, waxuu ka saameeyay Soomaalida dhan walba – bulsho iyo dhan caafimaadba. Qaadka meeshii ugu horreysay ee laga beero waxaa la sheegaa ...
Read More »Nin ereyo naceyb ah ku qoray gidaar Masjid oo cafis loo fidiyay.
Muqdisho (Himilonetwork) – Davis waxaa la qabtay isaga oo ereyo naceyb xanbaarsan ku buufinaya gidaarka Masjidka al-Salaam. Wuxuu taasi ku wajihi lahaa lix sano oo xarig ah haddii uu bixin waayo ganaaxa la dul-dhigay. Isaga oo sugaya go’aanka garsooraha maxkamadda, Davis wuxuu garwaaqsaday sida uu qaladkiisu u fool-xun yahay, wuxuuna dhanbaal raali-gelin ah u diray Jameecada Masjidka, sida ay soo ...
Read More »Sheikh Khalid Yasin – Daaciga Waqtigiisa Dacwada Islaamka u hibeeyey!
Muqdisho (Himilonetwork) – Mr. Khalid Yasin waa daaci Muslim American ah kaas oo diinta Islaamka qaatay sannadkii 1965-kii. Wuxuu ku dhashay Brooklyn, New York, dalka Maraykanka. Hadda wuxuu ku nool yahay Sheffield ee carriga UK. Waa helaha Ururka Islamic Broadcasting Corporation iyo Xarunta Hadafka Nolosha ee ku taalla isla Sheffield. Wuxuu kamid yahay daaciyada Islaamka ee qarnigii ina dhaafay dunida Galbeedka kasoo if ...
Read More »Caruus iyo caruusad Xabsiga loo taxaabay habeenkii koobaad ee Bisha Malabka.
Muqdisho (Himilonetwork) – Caruusad iyo caruuskeeda ayaa lagu qasbay inay laba qol oo xabsiga dhexdiisa ah ku kala hoydaan habeenkii koobaad ee aqalkooda. Halkii ay habeen farxadeed ku qaadan lahaayeen arooskooda, lamaanaha oo ku nool England waxaa lagu xiray xasbiga, marka loo eego xeer ilaaliyaha. Booliska ayaa loogu yeeray goobta ay xafladda arooskooda ay ka jirtay si ay u ugu ...
Read More »Siyaasi Hoecke – “Islaamka waa ka xoreyn doonaa Jarmalka iyo Galbeedka Yurub.”
Muqdisho (Himilonetwork) – Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Jarmalka ayaa wacad ku maray inuu Islaamka ka mamnuuci doono gudaha dalkiisa iyo kuwa Galbeedka yurub marka ay xilka qabtaan. “Markii aan talada gacanta ku dhigno waxaan bilaabi doonaa tallaabada aan uga hortagi doono Islaamku inuu ku xididaysto dalkeenna: saddexda magac ee Maxamed, Aadaan iyo Minaret in badan lagama maqli doono halkan, ...
Read More »Maktabaddii lagu dhisay Buugaagta lagu soo daro Qashinka.
Muqdisho (Himilonetwork) – Maktabad nuuceeda tii ugu horreysay ayaa laga furay degmada Çankaya ee magaalada Ankara halkaas oo awal ahayd kob lagu qubo qashinka. Shaqaalaha nadaafadda dowladda hoose oo muddo bil ah ku bixiyay ururinta buugaagta lagu tuuro goobaha qashinka iyo jidadka ayaa naftiisa iyo tan reeraha shaqaalaha nadaafadda u dhisay si ay aqoon uga kororsadaan aqriskooda. Sidii warka sheekadiisu ay ...
Read More »Sheikh Yusuf Estes – Daaciga Bulshaawiga ah.
Muqdisho (Himilonetwork) – Sheikh Yusuf Estate wuxuu kusoo koray diinta Masiixiga. Wuxuu wax ku bartay gobalka Texas ee dalka Maraykanka. Wuxuuna ahaa daaci faafiya diinta Masiixiyadda kaas oo sidoo kale ahaa hodan maal-qabeen ah. Wuxuu sanadkii 1944 ku dhashay Ohio dalka Maraykanka. Sanadkii 1991 wuxuu isku dayay inuu dalka Masar kusoo gaaleysiiyo nin Muslim ah. Wuxuuse la kulmay aragti kale ...
Read More »Ururrada Diimaha Maraykanka oo sanad kadib mamnuucistii Trump isugu soo baxay inay naqdiyaan.
Muqdisho (Himilonetwork) – Dibadbax taageero muujin ah oo ay iskugu soo baxeen ururrada diimaha kala duwan ee Maraykanka oo lagu asteynayay sanad kadib baaqii Madaxweyne Trump uu Muslimiinta kaga mamnuucay inay soo galaan Maraykanka ayaa ka dhacay magaalada New York. “Waa farriin xoogan iyo tallaab muhiim ah,” ayay tiri Rev Dr Chloe Breyer, oo hoggaan u ah Naadiga Interfaith. “Waana mid muujinaysa ...
Read More »Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Jarmalka oo diinta Islaamka qaatay.
Muqdisho (Himilonetwork) – Xubin kamid ah Xisbiga Bidixda Fog ee Jarmalka ayaa diiinta Islaamka qaatay – isaga oo shaqadii uu ka hayay Xisbigiisana isaga tagay, sida ay soo xigatay Deutsche Welle. “Waa wax aniga ii gaar ah,” ayuu yiri Arthur Wagner markii la weydiiyay sababta uu ku islaamay. Warar ayaa isasoo tarayay taniyo markii uu Xisbiga shaqadii uu ka hayay iska casilay ...
Read More »