crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Siyaasi Hoecke – “Islaamka waa ka xoreyn doonaa Jarmalka iyo Galbeedka Yurub.” | HimiloNetwork

Siyaasi Hoecke – “Islaamka waa ka xoreyn doonaa Jarmalka iyo Galbeedka Yurub.”

Muqdisho (Himilonetwork) – Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Jarmalka ayaa wacad ku maray inuu Islaamka ka mamnuuci doono gudaha dalkiisa iyo kuwa Galbeedka yurub marka ay xilka qabtaan.
“Markii aan talada gacanta ku dhigno waxaan bilaabi doonaa tallaabada aan uga hortagi doono Islaamku inuu ku xididaysto dalkeenna: saddexda magac ee Maxamed, Aadaan iyo Minaret in badan lagama maqli doono halkan, saaxiibayaal,” ayuu yiri siyaasiga Bjoern Hoecke.
Khudbad qaatay hal saac, Hoecke wuxuu sheegay inuusan ahayn qof neceb Islaamka balse diintani aysan boos ku lahayn qaaradda Yurub.
Wuxuu intaas kusii daray in Muslimiintu yihiin kuwa dagaalka jecel: Suubanaha NNKH uu ahaa hoggaamiyahooda.
“Waana taas sababta aan Islaamku ugu arko halis u baahan in laga fogaado,” ayuu yiri.
Tiraabtiisu waxay kusoo aadaysaa in yar kadib markii xubin kamid ah Xisbigiisa uu iska casilay shaqadii uu ka hayay – kahor inta aan la shaacin inuu diinta Islaamka qaatay.
Xisbiga AfD ayaa ah midka saddexaad ee ugu codad badan doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Jarmalka.
Jarmalka waxaa la tilmaamaa inay ku nool yihiin ku dhawaad 15 milyan oo Muslimiin ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!