crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Caruus iyo caruusad Xabsiga loo taxaabay habeenkii koobaad ee Bisha Malabka. | HimiloNetwork

Caruus iyo caruusad Xabsiga loo taxaabay habeenkii koobaad ee Bisha Malabka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Caruusad iyo caruuskeeda ayaa lagu qasbay inay laba qol oo xabsiga dhexdiisa ah ku kala hoydaan habeenkii koobaad ee aqalkooda.
Halkii ay habeen farxadeed ku qaadan lahaayeen arooskooda, lamaanaha oo ku nool England waxaa lagu xiray xasbiga, marka loo eego xeer ilaaliyaha.
Booliska ayaa loogu yeeray goobta ay xafladda arooskooda ay ka jirtay si ay u ugu kuur-galaan xaalado qas ku ah hanaanka xafladda.
Hayeeshe markii caruusaddu ay indhaha ku qabatay boolis ku sugan xafladda waxay kala hor tagtay qeylo iyo meel-ka-dhac.
Markii la isku dayay in wax la fahamsiiyo waxay indhaha candhuuf uga tuftay booliska. Waxaana taasi keensatay in la xiro.
Seygeeda oo kusoo baxay afadiisa cusub oo gacanta ugu jirta booliska, wuxuu isna si aan la mahdin ula dhaqmay saraakiisha taas oo iyadna keensatay in la xiro.
Lammaanaha ayaa raali gelin ka bixiyay dhaqankooda, waxayna sheegeen inay habeenkaas cabsanaayeen.
Si kastaba, waxaa lagu ganaaxay bixinta lacag dhan 400$.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!