crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qaad – Balaayo iyo Ba’ aan loo wada baraarugin. | HimiloNetwork

Qaad – Balaayo iyo Ba’ aan loo wada baraarugin.

Muqdisho (Himilonetwork) – Qaadku waa aafo ay la nool yihiin dad badan oo Soomali ah oo saameyn xooggan ku leh qoysas badan, waxaa ku kala tagay qoys iyo qaraabo, waxaa ku kala irdhoobay labo isla dhalatay iyo labo is-dhashay, waxuu ka saameeyay Soomaalida dhan walba – bulsho iyo dhan caafimaadba.
Qaadka meeshii ugu horreysay ee laga beero waxaa la sheegaa in ay ahayd Bariga Afrika gaar ahaan waddanka Ethiopia in-kasta oo ay jiraan dad aaminsan inay Yaman ku horreysay beerista geedka Qaadka.
Cilmi baaris ay sameysay Rugta Cilmi-baarista Ammaanka Carabta, waxaa lagu ogaaday geedka Qaadka inuu ka baxo 4,000 ilaa 9,000 cag-cabirka badaha.
Waxaa la qiyaasaa inuu gaaro dhirirkiisa 1M ilaa 2M marka uu ka baxayo buuraha guntooda sare, halka marka uu ka baxayo buuraha guntooda hoose uu gaaro ilaa iyo 6m, marka uu heysto biyo baaxad leh dhirirkiisu intaas wuu kasii koraa.
Waxaa la wariyaa in markii ugu horreysay ee Soomaaliya uu soo galayay ay bilaabeen cunistiisa dad sheegaya inay doonayaan inay cibaadeystaan habeenkii si ay u soo jeedaan waxay cuni jireen qaadka. Markaas kadib wuxuu isticmaalkiisu u gudbay darawallada wada gawaarida, sid ay u dhafraan habeenkii, sidaasi ayuu kusoo galay Soomaaliya, sida uu aaminsan yahay Pro Maxamed Cabdi oo qoray Buuga ‘Hadimoyinka Qaadka.’
Soomaaliya dhowr mar ayaa laga mamnuucay Qaadka.
Ingiriisku waxuu qaadka ka mamnuucay labo jeer horraantii Afartamaadkii iyo Kontomaadkii.
 Talyaanigu wuxuu ka mamnuucay Koofurta Sanadkii 1952-kii.
-Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa sidoo kale dadka ka mamnuucday cunista Qaadka sannadkii 1983-kii.
Baaritaan ay sameysay hey’ada caafimaadka u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa sannadkii 1975-kii waxaa la ogaaday Qaadka inay ku jiraan in ka badan 40 maado oo darooga ah waxaana ugu sarreysa maadada (Katanoon) oo ah midda qofka gaarsiisa heer waalli ah, Maadada katanoonka waxay gaarsiisan tahay daroogadeeda mida laga baaro ciyaartoyda ciyaara orodada oo ay ku muteystaan haddii lagu arko jirkooda maadadaasi ganaax ciyaaraha looga mamnuuci karo.
Qofka qaadka cuna waxaa lagu sifeeyaa in uu lamid yahay qof dagaal ku jira oo kale Jirkiisuna waxuu soo daayaa dheecaannada lasoo daayo marka uu dagaal ku jiro.  Sidaasi awgeed, qofka qaadka cuna mar-waliba waxaa laga filan karaa dagaal si uu ula fal galo dheecaanadda qaldan oo ay soo deynayaan jirkiisa.
Qaadku waxuu dhibaato xooggan ku keenaa dhaqaalaha qaranka iyo midka qoyska isaga oo burburiya dhaqanka iyo jiritaanka bulshada.
Hadaba maxaa naga soo gala dowladaha beera oo Soomaaliya u soo dira: malaayiin doolarna qoraxdii soo baxda naga gurta?! Misa isweydiinay mustaqbalka jiilka ku waabariista waalidiintooda oo qaar ku hor cunayaan?! Su’aalahaasi Aqristow adiga ayay ku horyaalaan!!
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: Calikaafi9@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!