crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheikh Yusuf Estes – Daaciga Bulshaawiga ah. | HimiloNetwork

Sheikh Yusuf Estes – Daaciga Bulshaawiga ah.

Muqdisho (Himilonetwork) – Sheikh Yusuf Estate wuxuu kusoo koray diinta Masiixiga. Wuxuu wax ku bartay gobalka Texas ee dalka Maraykanka. Wuxuuna ahaa daaci faafiya diinta Masiixiyadda kaas oo sidoo kale ahaa hodan maal-qabeen ah. Wuxuu sanadkii 1944 ku dhashay Ohio dalka Maraykanka.
Sanadkii 1991 wuxuu isku dayay inuu dalka Masar kusoo gaaleysiiyo nin Muslim ah. Wuxuuse la kulmay aragti kale oo ah bal inuu si qoto dheer u baaro diinta Islaamka. Wuxuuna ugu danbeyntii go’aansaday inuu muslimo.
Markii uu diinta qaatay, wuxuu kumaankun ka caawiyay inay soo galaan Islaamka – isaga oo xittaa farriimo dabacsan uga war-celinaya su’aalo ad-adag oo la xiriira casriga maanta iyo Muslimiinta oo kaga imaanaya dadyowga aan Muslimiinta ahayn.
Shaqsiyad ahaan, waa bulshaawi jecel inuu bulshada si diirran iyo jawi degan wax ku fahamsiiyo. Wuxuu mar safiir uga noqday Muslimiinta Kal-fadhiga Hoggaamiyaasha Diimaha ee QM.
Sheekadiisu lamid ahan Muslim kale oo diinta kusoo biiray. Waa mid laga heli karo qeybo badan oo mareegaha caalamka kamida iyaga oo ku qoran afaf kala duwan.
Dadku waxay ugu yeeraan Shiikhii Qaraaxada badnaa. Isku si ayay dadka waaweyn iyo carruurtuba u jecel yihiin.
Wuxuu aad uga howl-galaa kanaalada Islaamiga ah oo isugu jira kuwa uu isagu yagleelay iyo kuwa kale oo lagu casuumo. Guide Us iyo mareegta www.YusufEstes.com oo taariikhdiisa lagu qoro ayaana kamid ah kuwa sida gaarka ah uu u sameystay si uu Dacwada Islaamka uga baahiyo.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!