crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Nin 4,000 Shinbiro ah quudiya maalin kasta. | HimiloNetwork

La kulan – Nin 4,000 Shinbiro ah quudiya maalin kasta.

Delhi (Himilonetwork) – 64-jirka lagu magacaabo Sekar wuxuu ku qaatay in loogu yeero ‘Shinbiroolaha Chennai’ deeqdiisa haqab-tiraysa kumaankunka shinbiraha parakeets-ka la yiraahdo. Maalin kasta wuxuu qabtaa kulanti ay iskugu yimaadaan 4,000 oo shinbiro ah gurigiisa ku yaalla Chennai, dalka Hindiya.
La-falgalkiisa aan caadiga ahayn ee shinbiraha wuxuu soo bilowday markii ay dhacday mashaqadii Indian Ocean Tsunami sanadkii 2004. Wuxuu ogaaday dhowr shinbirood oo magaalada ku dagaagay, wuxuuna markaas ula dhawaaday bariis si ay cunaan. Tani waxay socotay muddo maalmo ah, shinbiruhuna waxay ku nasteen meel agagaarkiisa ah – iyaga oo isku biirsaday tiro kumaankun ah.
Sekar, oo xirfad ahaan dayac-tira kaamirooyinka, wuxuu hadda 40% dakhligiisa ku bixiyaa quudinta shinbiraha. Wuxuu aroor walba usoo kaca xilliga hore si uu bariis ugu kariyo: wuxuuna ku fidiyaa saxamada iyo saqafyada dushooda si ay kaga cunaan.
“10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa dhacday inaan lumiyay waxaan cuno, hayeeshe shinbirahan waligood ma lumin hal maalin,” ayuu ku faanay. “Dhammaan waa arrin la xiriirta jaceyl.”
Xigasho – radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!