crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Singapore oo dooratay Muslimaddii ugu horreysay oo Muxajabad ah. | HimiloNetwork

Singapore oo dooratay Muslimaddii ugu horreysay oo Muxajabad ah.

Singapore (Himilonetwork) – Afhayeenkii hore ee barlamaanka Singapore,  Halimah Yacob ayaa lagu wadaa inay noqoto haweeneydii Malay ee ugu horreysay ee madax-weyne ka noqota dalkaas taas oo lagu xaqiijiyay doorasho la iclaamiyay inay tahay murashaxa kaliya ee u taagan doorashada.
“Tani waa tallaab horay loogu qaaday horumarka dalkeenna,” ayay tiri Madam Halimah Yacob.
Guusheeda waxay ku timid loolamayaasheeda oo ka haray doorashada.
Halima waxay noqon doontaa madax-weynihii 9aad ee dalka Singapore iyo haweeenydii ugu horreysay ee dalkaas madax ka noqota.
Yusof Ishak waa madax-weynihii ugu horreeyey ee qowmiyadda Malayda ah kaas oo xilka madaxweynanimada Singapore soo hayay ilaa iyo 1970-kii.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!