crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> July | 2022 | HimiloNetwork | Page 4

Monthly Archives: July 2022

Monkey Mia – Meesha Qura oo ay ku kulmaan Badbaadisooyinka + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kalluunku waa noolaha kaliya ee reer badeedka ah oo ay dadku arkaan inta badan ama ay cunaan. Laakiin in yar oo xattaa kamid ah kalluumaysatada, waxaa ku adag inay joogto u arkaan badbaadisada ama dolphin. Hayeeshe, xeebta Monkey Mia oo dhacda galbeedka dalka Australia waa meesha ay sida maalinlaha ah ugu kulmaan badbaadisooyin badan. Monkey Mia waxay ...

Read More »

Xujeyda oo saaran Buurta Carafo.

MUQDISHO (HN) — Raadinta cafiska iyo raali ahaanshiyaha Eebbe, ku dhawaad hal milyan oo Muslimiin ah ayaa dul tuban buurta Carafo oo dhacda bariga magaalada Barakaysan ee Makka maanta oo Jimco ah kaddib xayiraaddii Covid-19 oo suuragalin waayay in xujeydu soo gutaan xajka iskaba daa inay ku kulmaan buurta dusheeda. Xalay ayay habeenno cibaado iyo alla-bari ku qaateen xerooyinka Mina ...

Read More »

Sida loogu diirsaday halgankii laamiga looga dhex dusiyay buurta oo dadkeedu ku tanaadeen + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Shenlongwan waa xaafad ku dhex qarsoon buuraha Taihang ee dhaca gobalka Shanxi. Aad bayna ugu adkaan jirtay dadka xaafadda inay dibadda uga soo baxaan. Waxaa qasab ahayd in qof walba oo kasoo baxaya uu soo fuulo gebiyada buurta oo ku qaadan jirtay ku dhawaad lix saacadood si ay tubaha jaranjarada iyo toobiyaha isugu jira ugu soo dhacaan. ...

Read More »

Maqaayadda Kalluunku ku dhex dabaasho + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kalluunku wuxuu asalba ku nool yahay baddaha iyo webiyada, waxaana dhacda in dadku badigood ay aadaan badaha si ay usoo arkaan. Laakiin hadda gudaha maqaayad ku taal Khanom, dalka Thailand, uma baahna inay badda u dalxiisaan. Waayo waxay kula kulmi karaan gudaha maqaayadda iyaga oo weliba sida badda lugala kula jira biyo jooggoodu nus mitir yahay oo ...

Read More »

Naafada Eeyaha ah oo helaya Daryeel caafimaad + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Daryeelka noolaha Ilaahay ku abuuray ifka looma wadda sinna ee waa loo kala dhowyahay. Dunida Muslimka oo ay ahayd in looga daydo xurmada iyo qaddarinta noolayaasha Ilaahay uu khaliifo inooga dhigay ilaalintoodana, waa meelaha loogu dhibaataynta badan yahay. Marka ay timaado nolosha eeyaha ku noolna, kumaba sii jirto. Laakiin sheekada soo aadan waa tusaale kamid ah tusaalayaasha ...

Read More »

La kulan – Dhaqtarka – si lacag la’aan ah – Indhaha ugu fiiqay 100,000 oo Qofood.

MUQDISHO (HN) — Dhaqtar indhaha daweynta ku gaaroobay oo ku nool dalka Nepal, waa halyey geyfane ah. Wuxuu howl uu keli ku ahaa ugu guuleystay inuu aragga indhaha dib ugu soo celiyo dadka lagu qiyaasay 100,000 oo qof kuwaas oo ku kala nool laba qaaradood. Waana shaqo midkood kamid ah dadkaas uu ugu fuliyay shan daqiiqo. La kulan dhaqtar Sanduk ...

Read More »

La kulan – Dhaqtarka Ilmaha Faruuran ee Saboolka u sameeya Qaliimo lacag la’aan ah.

MUQDISHO (HN) — Dhaqtar ku nool dalka Hindiya waxaa loo yaqaan halyeyga dadka saboolka ah madaama uu noloshiisa inta ugu badan u hibeeyey caawimada ilmaha faruuran ee kasoo jeeda qoysaska saboolka ah – ilaa iyo hadda wuxu qaliimo u fuliyay dad lagu qiyaasay 37,000. Faruurnimadu waa dheeli xagga afka ah oo ay ilmuhu la dhashaan kaas oo kasoo bilowda xilliga ...

Read More »

Tarjumadii ugu horreysay Qur’anka ee Afka Igbo oo lagu daabacay Nigeria.

MUQDISHO (HN) — Tafsiirkii ama tarjumadii ugu horreysay Qur’anka oo lagu qoro afka Igbo ayaa lagu daabacay gudaha dalka Nigeria. Muhammad Murtala Chukwuemeka, oo ah tarjumaha kitaabka ayaa sheegay inay ku qaadatay shan sannadood inuu ku qoro tafsiirka Qur’anka ee afka Igbo ku dhigan. Chukwuemeka, oo diinta Islaamka qaatay sannadkii 1989-kii ayaa sheegay inuu daabacay boqollaal nuqul oo kitaabka Qur’anka ...

Read More »

Atariisho hore oo Bollywood-ka ah oo sannadkan Xajka joogta.

MUQDISHO (HN) — Laba sannadood kaddib markii ay isaga hartay jilidda aflaamta, Sana Khan ayaa u banbaxday Sucuudiga si ay usoo gudato acmaasha Xajka iyo Cumrada markeedii ugu horreysay. Waxaa safarka ku wehliya seygeeda, Mufti Anas Saiyad kuwaas oo muuqaalka imaanshiyahooda gegida duyuuradaha Madina soo dhigay barta Instagram-ka. “Allaa ku mahadsan,” ayay tiri. “Ma qiyaasi karo dareenkayga inta uu la’eg ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!