crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 2017 | HimiloNetwork | Page 20

Yearly Archives: 2017

Shaqooyin horseeday dhimashada Muslimiin badan.

Doha (Himilonews) – Imaatinkii Donald Trump dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo heshiiskii hubka ee qiima ahaan ku kacayay 460 billion oo dollar, waxa hubanti ah iney shaqo abuur u noqdeen kumanaan reer Mareykan ah dhawrka sano ee soo socota. Kaliya Mareykanka ma aha dawladda heshiis hub ku kacaya boqollaal milyan oo dollar la gaartay Boqortooyada Sucuudiga iyo dawladaha Carabta balse ...

Read More »

Maxaad ka taqaan taariikhda laacibkii xulka qaranka ee Mukhtaar Cuti?!

Muqdisho (Himilonews) – Magaciisu waa Mukhtaar Maxamed Axmed oo ku magac dheer ‘Mukhtaar Cuti’. Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Carra-guduudda oo markii danbe loo bixiyay ‘Bakaaraha’ kana tirsan degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir. Waxa uu dhashay sanadii 1964-kii. Wax-barashada aas’aasiga, Mukhtaar waxa uu ka bilaabay dugsigii Dhagax-tuur ee degmada Hodan – halka dugsiga dhexena uu ku ...

Read More »

Geyfanayaal xuquuqda xayawaannada ah oo u riyaaqay fal Maroodi uu ku dilay ugaarsade.

Windhoek (Himilonews)  – Kooxaha u dooda xuquuqda xayawaannada ayaa aad ugu riyaaqay maqalka dhacdo maroodi uu ku dilay ugaarsade gudaha dalka Namibia. Marka loo eego boolis goboleedka Otjozondjupa, 46-jir lagu magacaabo Jose Monzalvez kaas oo ku gaaroobay ugaarsiga kana yimid dalka Argentine wuxuu si goonni ah ku ugaarsanayay raxan maroodi ah oo ku sugan xarun duurjoog. Monzalvez wuxuu la joogay ...

Read More »

Xaafado guryaheeda aysan lahayn albaabo!!

Muqdisho (Himilonetwork) – Rumeyso ama harumeysan, waxaa jirta xaafad dalka Hindiya ku taalla oo guryaha, xarumaha wax-barashada iyo ganacsiga, iyo xittaa bangiyada aysan lahayn albaabo. Lacagta cad waxaa lagu ridaa qasnad aan xirnayn, waxaana mararka qaar ku jira dahab qaali ah. Xattaa badi musqulaha dadweynaha xaafadda Shani Shingnapur malahan albaabo. “Sababo jira awgeed oo nooga yimid haweenka, waxaan go’aansannay inaan ...

Read More »

Wax ka baro umadaha ugu isir ku faanka badan caalamka.

Muqdisho (Himilonews) – Falsafadda xun ee dadka gun iyo gob u kala saarta waa dhaqan la kowsaday jiritaanka ina Aadan. Wuxuuna mar walba ahaa caqabad ama furaha mushkiladaha kala xadeeya umadaha dhexdooda. Yasidda ama duwidda waa ficillada takooridda ah ee lagu baadi sooco dadka ay ugu yeerayaan gun. Ka dhiidhinta ama diidista tilmaantaas muujinaysa liidnaanta, waxay had iyo jeer la ...

Read More »

Degmada Luuq iyo taariikhdeeda qadiimka ah.

Muqdisho (Himilonews) – Luuq ( Lugh) waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da’da weeyn Somalia, sida ku cad qoraalka Captain Thomas oo ingriis ahaa, uuna qoray 1811. waxaa uuna leeyahay waxaa ku tiil 300 guri waxa uu leeyahay waxa jiray waqti ay Luuq, xamar ka weeyneed. Waxa magacaa loogu bixiyay magaalada oo wabiga Juba ( wabi ganaane) dhinac kasta ...

Read More »

Maxay muhiim u tahay dib-u-furista Waddada 26 June?!

Muqdisho (Himilonews) – Furitaanka Waddada 26-June oo sanadkii hore dib loo dayac-tiray, waxay sida hubaasha wax weyn ka qaban doontaa jaamka iyo ciriiriga ka jira jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadweynaha. Dhismaha laamiyadu qeyb muhiim ah ayay ku yeesheen socdaalka iyo safarrada gudaha caasimadda lagu kala goosho. Waxayna ahayd tallaab waqtigii loo baahnaa kusoo beegmatay maadaama burburkooda uu 20-jirsaday. ...

Read More »

Radio Himilo – Living Hope.

Mogadishu (Himilonews) – There are huge gaps in Somali’s mainstream media because of their under developing skills that don’t fit in the field of journalism. When the country’s government collapsed in 1991, everything went down including the sophisticated legacy of the journalism. That caused journalists to be openly stereotyped lacking the optimum knowledge nagof their career. The era of journalism ...

Read More »

Lakulan – Beeraley qaab cusub ugu labista shaqadiisa.

Tokyo (Himilonews) – Kiyoto Saito, oo beeraley da’yar ah oo ku nool dalka Japan ayaa isku dayaya inuu badalo aragtida dadku ka heystaan howlaha beer limista iyo falka. Haddii uu kaxaynayo cagaf-cagaf ama uu ku joogo jilbihiisa, Kiyoto wuxuu aalaaba xirtaa koor iyo suut dhamaystiran iyo luqun-xir ‘tie.’ Qoyska Kiyoto waxay muddo 400 oo sanadood ah ku jiraan howlaha beeraleyda ...

Read More »

Ninka Korontada quuta marka uu gaajoodo!

Muqdisho (Himilonews) – Naresh Kumar, oo ku nool Muzzafarnagar ee dalka Hindiya, wuxuu sheegtaa inuu heysto hadyad goonni ah. Kaliya ma ahan inuu korontada la fal-geli karo, wuxuu sidoo kale tamartiisa gudaha ka dhalin karaa danab. Sidaas awgeed, uma baahna cunno joogto ah si uu ugu noolaado. 42-jirka Naresh wuxuu sheegay inuu awooddan qeyrul-caadiga ah si kadis ah u daah-rogay. ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!