crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninkii keligiis beeray 41,000 geedo ah! | HimiloNetwork

Ninkii keligiis beeray 41,000 geedo ah!

MUQDISHO (HN) – Helio da Silva, oo ah ganacsade howlgab ah oo u dhashay dalka Brazil ayaa keligiis ku guuleystay inuu geedo dhan 41,000 ku beero magaaladiisa Sao Paolo. Wuxuuna soo waday beeritaankooda muddo 20 sannadood ah.

Hadda qof walba oo diyaarad ku maraya magaaladiisa wuu arki karaa geedaha tirada badan oo uu keligiis ku beeray masaafo gaaraysa 3.2-kilometer oo dherer ah iyo boqol mitir oo ballac ah. Waxaana ay ku dhinac yaallaan waddooyin mashquul awgood ciriiri ah. Waxaa loo yaqaan duurka yar ee Sao Paolo.

Silva markii uu ka fariistay shaqadiisa ganacsiga, wuxuu go’aansaday inuusan qolkiiisa iska dhex fadhin. Balse uu qaado tallaab uu deegaankiisa wax ugu qaban karo. Wuxuu sannadku ahaa 2002, wuuna xusuustaa geedkii ugu horreeyey oo uu ku beero halkan. Waxa xiisaha leh ayaa ah inuusan marnaba joojin doonin dhir beerista ilaa wedku kaga yimaado.

Wuxuu wakaaladda wararka AFP u sheegay dhawaan inuu rabay dhaxal uu kaga tago magaaladiisa. Wuxuuna afar sanno gudahood ku xaqiijiyay in goob maritaanka ka caagan oo hoy ah kuwa maandooriyaha qabatimay ay noqotay goobta ugu quruxda iyo bilicda fiican magaaladiisa. Geedaha uu beeray kuma koobna oo kaliya kuwa la harsado ee hooska dhaliya. Waxaa sidoo kale ku jira geed miroodyo kala duwan. Sababta oo ah wuxuu rabay inay soo jiidato shimbiraha iyo noolaha kale. Taasina waxaa kasoo iftiimay guul la taaban karo. Hadda, 45 nuuc oo shimbiro ah ayaa deegaansada kana quuta geedaha miraha leh.

“Geedaha laftooda ayaa i siiyay dhiirrigelin: sababta oo ah waxaan ka helnaa ubaxyo, hawo macaan iyo miro kala duwan,” ayuu yiri. “Waxaana ku derisnaa noolaha kale sida shimbiraha.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!