crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaafado guryaheeda aysan lahayn albaabo!! | HimiloNetwork

Xaafado guryaheeda aysan lahayn albaabo!!

Muqdisho (Himilonetwork) – Rumeyso ama harumeysan, waxaa jirta xaafad dalka Hindiya ku taalla oo guryaha, xarumaha wax-barashada iyo ganacsiga, iyo xittaa bangiyada aysan lahayn albaabo. Lacagta cad waxaa lagu ridaa qasnad aan xirnayn, waxaana mararka qaar ku jira dahab qaali ah.
Xattaa badi musqulaha dadweynaha xaafadda Shani Shingnapur malahan albaabo. “Sababo jira awgeed oo nooga yimid haweenka, waxaan go’aansannay inaan daah u xirno afaafka hore ee iridda musqulaha, looma yeelayo albaabo, waayo taasi waxay kahor imaanaysaa waxa aan rumeysannahay,” ayuu yiri dukaanle Parmeshwar Mane.
Xaafadaha qaar waxaa jira albaabo furan oo maalintii aan lagu xirin guryaha, hayeeshe habeenkii lagu owdo aqallada si eeyaha iyo wixii lamid ah aysan gudaha ugu soo gelin.
Dhibka kaliya ee heysta waxay ku sheegeen in jails ama ganbaleel lagu idin weydiisto aysan ku xirnayn aqallada, hayeeshe taasi waxay u heleen xal. “Kaliya kor u qeyli, qof guriga kamid ah ayaa markaas kuu soo baxaya,” ayuu sharraxay Rani oo kamid ah daganayaasha.
Shani Shingnapur waxay hoy u tahay dad gaaraya 5,000. Dhaqankeeda albaab la’aantana wuxuu soo shaac-baxay 90-meeyadii. Sanadihii hore, dakhliga ugu badan dadkani wuxuu kasoo geli jiray beerista qasabka iyo sifeynta sokorta, hayeeshe  sanadihii danbe dalxiiska ayaa sare u qaaday heerka nololeed ee daganayaasha. Waxaana maalin kasta yimaada dalxiisayaal lagu qiyaaso 40,000 oo qofood.
In kasta oo xaafaddani muddo badan ay ku naalootay aragtideeda diimeed oo ay ku diiday yeelashada ama xirashada albaabo, hadana dhaxalkeeda qalqal ayaa ku yimid sanadihii dhawaa. Sanadkii 2010, dalxiise ayaa sheegtay in laga xaday lacag dhan 600$. Hayeeshe guddoonka degmada, Bankar, ayaa diiday eedeynta, isaga oo sheegay in meel ka baxsan xaafadda uu falkani ka dhacay. Sidoo kale, sanadkii xigay 2011, adduun gaaraya 1200$ ayaa laga dhufsaday qasnad aan la xirin oo macbadka tiil.
Dadka qaar ayaa hadda isku dayay inay guryahooda u sameystaan albaabo.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!