Muqdisho (Himilonews) – Dadku waxay cimriyaan in-ka-badan sidii hore. Maanta, badi dadka dunida ku nool waxay si nabad leh ku gaari karaan da’da lixdan jirnimo, marka loo eego Ururka Caafimaadka Adduunka. Dalka ah halka ay ku nool yihiin dadka ugu cimriga dheer dunida –taas oo heerka nolol filashadu ay gaarayso da’da 60 jirka – waa Japan. Waana ku imaaantinka xiga ...
Read More »Monthly Archives: December 2015
Baro sida Qashinka Lacag looga sameeyo
Muqdisho (Himilonews) – Qashinka aan la uruurin waa dhib ku weyn dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika. Marka loo eego World Bank Urban Development Series report, qaaradda Afrika ayaa hadda soo saarta 70-malyuun oo tan oo qashin ah sanad kasta. La koror tirada bulsho iyo kobaca dhaqaale, badashada qashinka Afrika waxay kor u dhaafi doontaa 160 malyuun oo tan marka la ...
Read More »Marka uu Dhibanuhu Dhulkiisa ku dhinto
Muqdisho (Himilonews) – Aniga oo maraya waddo dheer oo marta guri laba jidle ah ayay indhahaygu qabteen dad tira badan—oo u kala fadhiya horin horin—kuwaas oo dhawaaq yar isku gudbinayay. In-yar dabadeed waxaan garwaaqsaday in kobta aan taaganahay ay tahay meel aan mar ku booqday dhibane ku noolaa xaalad naf-la-caari ah. “Adeer ma yarkii xanuunsanaa ayaa dhintay?” ayaan weydiiyay. Isaga ...
Read More »Dhanbaallada Jaceylka
Muqdisho (Himilonews) – Qalbigayga ayaa ila hadlaya oo I dhahaya: nafaqadaadu waa jaceyl, dheeftaadu waa guur, natiijadaadu waa guryosamo lagu nasto oo lagu nagaadee, ha noogin! Waad I dhiirigelisaa. Waxaa qariyo mahaye, nafaad qaadataan ahay, qorshahayga noloshana qeyb kamida ayaa tahay. Haa! Waxaan hayaa jaceyl, wuu I cadibayaa, kama nugli, wuxuu ii diiday farxadii, kaftankii iyo anigoo qayirmay oo dartaa ...
Read More »Q1aad: Wax Ka Baro Haramacadka
Muqdisho (Himilonews) – Haramacadku waa jaad Bah-dinnad kamid ah. Wuxuu leeyahay dhibco-dhibco madmadow iyo seyn dheer. Aad buu u dheereeya xagga orodka. Haramcadku oo kolkolna la yiraahdo Haramacas wuxuu dilyoodaa ugaarta. Bootinta dheer iyo orodka aan lagu xuurtoon ee uu Eebe ku galladay ayaa ka dhigtay inuu si fudud ku qabtimo ugaarta. Haramcadku, sida Shabeelka, dadka kuma dhiirrado. Haramacadku waa mid ...
Read More »10-ka Baasaboor ee ugu Awoodda Badan Dunida
Muqdisho (Himilonews) – Dal-ku-marrada “Passport”-yada ugu qaalisan dunida ayaa caadka laso dhigay iyada oo dalalka Maraykanka iyo UK ay galeen boosaska ugu horreeya kuwaas oo dal-ku-galladood lagu tagi karo ku dhawaad 147-dal oo dunida kamid ah. Halkan waxay hadaba idin kugu soo gudbinaynaa 10-passport ee dunida ugu qaalisan kuwaas oo qofka sita uu dal-ku-gal ama Visa la’aan ku mari karo ...
Read More »Sahan: LONDON waa meelaha ugu XUN ee UK looga noolaado! Ka guur hadaba!
Muqdisho (Himilonews) – Waxaa caadka lasoo dhigay meelaha ugu xun ee looga noolaado Boqortooyada Midowday ee UK la isku yiraahdo. Sahankan oo uu qaaday B. Heard ayaa ku sargooyay hab-samida nololeed ee ay ku kala duwan yihiin magaalooyinka ku yaalla UK sida dhinacyada waxbarashada–tayo ahaan, heerka danbiyada iyo tirada bulshada saboolka ah ee ku nool magaaladaas. Dorset ayaa lagu tilmaamay meesha ugu ...
Read More »SAHAN: LA YAAB!! DUMARKA UK BADIGOOD MA QUBEYSTAAN
Muqdisho (Himilonews) – Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in badi haweenka ku nool UK aysan qubeysanin maalin kasta sida ay cilmi-baaristu ku bilowday. Sahanka ayaa sidoo muujiyay in saddexdii dumarba uu mid ka qubeysto maalinkii–iyaga oo ku dhawaad saddex maalmood oo xiriir ah aan wada qubeysanin; ama aan jirkooda kareem ku dhaashan. Kaliya 57% kamid ah dumarka ...
Read More »HANBALYO: Jamhuuriyadda ISLAAMIGA ah ee GAMBIA
Muqdisho (Himilonews) – Madaxweynaha gambia Yahya Jammeh ayaa ku dhawaaqay in dalka dhaca galbeedka Africa uu qaatay shareecada Islaamka–isaga oo yiri go’aankan waxaa loo qaaday waayo badi dadka Gambia waa Muslimiin. Jammeh ayaa faalladiisa kaga dhawaajiyay dibad-bax Jimcihii lagu qabtay Brufut, oo 15km u jirta caasimadda Banjul. Ku dhawaad 90% dadka reer Gambia waa Muslimiin. Halka inta kalana 8% ay ...
Read More »Q1aad; Taxanaha facebook: gabar lagu kufsaday facebook
Muqdisho (Himilonews) – Maanta waxaynu idin bilaabi doonaa barnaamij la magac baxay Taxanaha Facebook oo aan ku faaqidi doono dhibaatooyinka iyo dheefaha laga helo facebook-ga. Dad badan ayaa si maalinle ah u adeegsada facebook-ga. Taas oo ka dhigan inay la qabsigooda ku xireen xiriirada asxaabtooda. Hadaba, waa muhiiim inaynu wax ka ogaano waxa ka jira badda aynu ka jillaabano ee ...
Read More »