SAHAN: LA YAAB!! DUMARKA UK BADIGOOD MA QUBEYSTAAN
Posted by: Zakariya
in Sahanka
December 13, 2015
337 Views
Muqdisho (Himilonews) – Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in badi haweenka ku nool UK aysan qubeysanin maalin kasta sida ay cilmi-baaristu ku bilowday.
Sahanka ayaa sidoo muujiyay in saddexdii dumarba uu mid ka qubeysto maalinkii–iyaga oo ku dhawaad saddex maalmood oo xiriir ah aan wada qubeysanin; ama aan jirkooda kareem ku dhaashan.
Kaliya 57% kamid ah dumarka ayaa og muhiimadda qubeyska, hadana waxay daraasaddu sheegtay inaanay helin waqti ay ku meyrtaan ama ay xittaa ilkahooda ku cadeeyaan.
Daraasada ayaa muujisay in sababaha kalifaya inay qubeysan waayaan ay kow ka tahay iyaga oo xilli hore shaqada u jarmaada; xilli danbe oo habeenkii ahna kusoo laabta guryahooda.
Tani ayaa waxaa walaac ka muujiyay hal-yaqaannada oo ku tilmaamay mid dhibaato kale horseedi karta haddii aan wax-ka-badal lagu sameyn heerkaas.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-13
You must log in to post a comment.