crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> HANBALYO: Jamhuuriyadda ISLAAMIGA ah ee GAMBIA | HimiloNetwork

HANBALYO: Jamhuuriyadda ISLAAMIGA ah ee GAMBIA

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweynaha gambia Yahya Jammeh ayaa ku dhawaaqay in dalka dhaca galbeedka Africa uu qaatay shareecada Islaamka–isaga oo yiri go’aankan waxaa loo qaaday waayo badi dadka Gambia waa Muslimiin. 
Jammeh ayaa faalladiisa kaga dhawaajiyay dibad-bax Jimcihii lagu qabtay Brufut, oo 15km u jirta caasimadda Banjul.
Ku  dhawaad 90% dadka reer Gambia waa Muslimiin. Halka inta kalana 8% ay Kiristan yihiin. Dalkan ayaa xurnimadiisa ka qaatay dalka Ingiriiska sanadkii 1965-kii. 
“Gambia masii wadi karto xeerka gumeystaha,” ayuu yiri Madaxweyne Yahya Jammeh isaga oo tilmaamay in tira yarta Kiristanka ah ee ku nool dalkiisa la xaq-dhowri doono.
“Waxaynu qaadanay Shareecada..taas oo ka dhigan inaan xaq dhowrno muwaadinkeenna iyo martideenna,” ayuu sii raaciyay. 
Hirgalin dabadeed, Gambia waxay ku biiri doontaa dalalka Muslimiinta ah ee ku dhawaaqay inay yihiin Jamhuuriyado ISLAAMI ah sida Pakistan, Brunei iyo kuwo badan. 
Si kastaba, tani waa bilow fiican oo ifafaalo u ah sida looga soo weecanayo nidaamkii Alle-diidka ahaa ee Cilmaaniyadda. 
Balse tani ma ahan mid reer Galbeedku ay ku farxi doonaan. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!