Q1aad; Taxanaha facebook: gabar lagu kufsaday facebook

Muqdisho (Himilonews) – Maanta waxaynu idin bilaabi doonaa barnaamij la magac baxay Taxanaha Facebook oo aan ku faaqidi doono dhibaatooyinka iyo dheefaha laga helo facebook-ga.
Dad badan ayaa si maalinle ah u adeegsada facebook-ga. Taas oo ka dhigan inay la qabsigooda ku xireen xiriirada asxaabtooda. Hadaba, waa muhiiim inaynu wax ka ogaano waxa ka jira badda aynu ka jillaabano ee facebook-ga la yiraahdo. 
Maanta waxaynu ku bilaabayna qisadan hoos ku qoran:
Haweeney walaacsan ayaa bileyska wacday kadib markii ay qolka gabadheeda–oo aheyd 13-jira ay ku aragtay iyada oo kula jirta nin 19-jir ah. Gabadha ayaa tilmaantay inuu galmo kula wadaagay qolkeeda muddo 48-saacadood ah ogaal la’aanta hooyadeed–kaas oo ay isku barteen facebook. 
Dhab ahaan, wiilka ayaa gabadha kula sugnaa qolkeeda muddo laba maalmood ah kahor intaysan hooyadu arkin. Ninkan ayaa hadda loo diray xabsiga isaga oo la filayo in la marsiiyo xeerka ciqaab ee ka dhigan kufsiga gabdhaha aan qaangaarin. 
Isha: Himilonews.com
Nagala sii xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!