crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweenka Sucuudiga oo codkooda dhiibanaya | HimiloNetwork

Haweenka Sucuudiga oo codkooda dhiibanaya

Muqdisho (Himilonews) – Haweenka ku nool dalka hodanka ku ah shidaalka ee boqortooyada Sucuudiga ayaa markii ugu horreysay si mid ah codkooda u dhiibanaya–iyaga oo isu-taagaya xilalka qaar ee doorashada. 
Ku dhawaad 900 oo haween ah ayaa kamid noqon doona 7,000 ee musharax ee ku fariisan doona kursiyada gole deegaan ee gaaraya 284-ka. 
Haweenka ku nool Sucuudiga ayaa loo oggolaan jirin inay codeeyaan; ama ay gaari wataan; ama ayba furan karaan koonto Bangi iyaga oo kaligood ah. 
Hey’adaha ku hadla xuquuqul-Insaanka ayaa–wax diintu ay sharci ka dhigtay–ku dhaleeceeya dalka ah indhaha Muslimiinta. Diidista in gabadhu ay xijaab la’aan soo baxdo iyo inay banaanka la istaagi karo qof aan qoyskeeda ka tirsaneyn ayay Ururadani ku eedeynayaan Sucuudiga inuu ugu xad-gudbay xaqa dumarka. Taas oo ah arin kahor imaanaysa shareecada. Walow Sucuudiga laftigiisa ay in badan xakame-adag ku giijiyaan hab-dhaqanka diinta. Taas oo sababta in canbaareyntu ay ciladooda abaarto.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!