MUQDISHO (HN) — Waxaa maanta xarunta Dhalinyarada Gobalka lagu soo gabagabeeyey Bandhigga Buugaagta Banaadir oo muddo saddex maalmood ah ka socday.
Xiritaanka munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xil-dhibaan Dalxa iyo Wasiirka Haweenka, Xafsa Maxamed Xaabsade iyo guddoomiyaal degmo iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay gobalka Banaadir oo uu kamid ah Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobalka, Makaraan.
Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Somaaliyeed, mudane Cali Suudi Nageeye ayaa bogaadiyay qof, urur iyo shirkad kasta oo qeyb ka qaadatay qabsoomidda Bandhigga kaas oo markii ugu horreysay sannadkan lagu daahfuray caasimadda.
Guddoomiye Suudi ayaa si adag u qiray in qabashada iyo hirgelinta Bandhigga ay kasoo horbaxeen caqabado badan. Laakin doonistoodii adkeyd iyo u dhabar-adeygid dheer kaddib ay ku guuleysteen inay qabtaan.
Bandhigga oo socday 2,3,4 bishan wuxuu diiradda saarayay la hadalka qorayaasha oo la siinayay goorsheeg ku filan oo ay ku falanqeyn karaan dhiganaha ay qoreen. Waxaa kale oo jiray mowduucyo u badnaa dhaqanka, sooyaalka iyo hiddaha umadda kuwaas oo ay jeedinayeen aqoonyahanno Somaaliyeed oo lagu casuumay Bandhigga.
Saddexdii maalmood oo uu socday Bandhigga, waxaa la isdhaafsaday doodo iyo aragti ku qotoma baahida iyo baahinta aqoonta; yareynta iyo la dagaalanka dhaqamada haraadiga ah ee wax-yeelaya wax-barashada sida hadalka iyo howraarta badan. Taas beddelkeeda, waxaa hal-ku-dheg ahaan loo qaatay fadhi-ku-dirirka ku beddel fadhi-ku-aqriska.
Bandhigga Buugaagta Banaadir waxaa la qorsheeyey inay noqoto madal sannadkiiba laba jeer loo qabto qorayaasha ku sugan caasimada.
Gabagabada munsaabadda waxaa shahaado Sharaf la guddoonsiiyay qabanqaabiyaashii iyo maal-geliyayaashii suurageliyay qabsoomiddiisa.
You must log in to post a comment.