crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga ah ee U-dulqaadasho la’aanta Gudniinka Fircooniga. | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga ah ee U-dulqaadasho la’aanta Gudniinka Fircooniga.

MUQDISHO (HN) — Sannadkii 2012-ka, Kalfadhiga QM ayaa 6 Febraayo u asteeyey Maalinta Caalamiga ah ee U-dulqaadasho la’aanta Gudniinka Fircooniga ee afka qalaad lagu soo gaabiyo FGM ama Female Genital Mutilation.

Antonio Guteras oo ah Xoghaya Guud ee QM, war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa wuxuu ku yiri; “Wadajir waan uga adkaan karnaa FGM-ka marka la gaaro sannadka 2030-ka si aan u hubsano jiritaanka haweenweynaha dunida oo qadyaan ka jooga aafada Gudniinka Fircooniga.”

Gudniinkani waxaa loo tix-geliyaa gaboodfal ka-dhan ah xuquuqda gabadha; kahortagiisana waxaa loo arkay mas’uuliyad caalami ah oo quruumaha oo idil ka dhaxeysa.

In kasta oo ku dhawaad 30 dal oo Afrika ah iyo qaar badan oo Bariga Dhexe ku yaalla ay ku dhaqmi jireen gudniinka qarniyaal badan, haddana waa dhibaato caalami ah oo sidoo kale ka jirta Qaaradaha Aasiya iyo Latin America.

Habka ugu weyn oo lagula dagaallami karo ciribtirkiisa waa wacyi-gelin iyo baraarujin xagga aqoonta ah oo dugsiyada loogu dhigo ubadka.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!