MUQDISHO (HN) – Booliska gobal kamid ah Ruushka ayaa sharci la isku maandhaafay kasoo saaray la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluush-ka kaas oo dhigaya in askari walba oo iska diida shaafto ama shaxaad lagu laaluushayo la siin doono lacag u dhiganta tirada lacagta uu iska diiday ama lamid ah.
Dalka Ruushka, laaluushka iyo lacagaha sharci-daradda ah oo boolisku ka qaato shacabka, waa xaqiiqo qaraar oo ay maalinle ula nool yihiin dadweynaha. Laakiin, beddelkii ay ahayd in shacabka la siiyo fursad ay kula dagaallami karaan musuqmaasuqa – maadaama iyaga laga qaado laaluushka – waxaa lasoo saaray sharci dhigaya in askari walba oo maya yiraahda ama iska diida laaluushka la siin doono magdhow lacageed oo u dhiganta qiimaha lacagta uu iska diiday!
Waxaana baraha laga daalacdo shaqada booliska lasoo dhigayaa qaar kamid ah askartaas oo la guddoonsiinayo abaalmarin iyo shahaado sharafeed. Dad badan ayaa la-yaab awgiis indhuhu kasoo hareen. Waxayna is weydiiyeen haddii tanu tahay la-dagaalan musuqmaasuq iyo naasnuujin hor leh oo loo sameynayo askartii awalba qaadan jirtay laaluushka!
Waxaa sidoo kale loo badinayaa in marka uu Askarigu lacagta qaato kaddibna kusoo wareejiyo Taliska booliska sideeda loogu xalaalaynayo looguna darayo billad sharafeed.

