Baro sida Qashinka Lacag looga sameeyo

Muqdisho (Himilonews) – Qashinka aan la uruurin waa dhib ku weyn dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika. Marka loo eego World Bank Urban Development Series report, qaaradda Afrika ayaa hadda soo saarta 70-malyuun oo tan oo qashin ah sanad kasta. La koror tirada bulsho iyo kobaca dhaqaale, badashada qashinka Afrika waxay kor u dhaafi doontaa 160 malyuun oo tan marka la gaaro sanadka 2025-ka.
Qashinku waa dhibaato waayo wuxuu sababaa halis caafimaad, cudurro iyo hadimmo deegaan kolka aan si fiican loo aasin–ama loo qubin. Balse warka fiicani wuxuu yahay in qashinka ugu badan ee laga soo saaro Afrika dib loo habeyn karo; loona adeegsan karo–iyada oo laga sameynayo agabyo cusub.
Nasiib xumo, kaliya boqolkiiba 10% ayaa dhacda in qashinka maalin kasta dib looga adeegsado.  Halka inta kalana ay ku idlaadaan meelahay ku quban yihiin–taas oo si u muuna-disha bilicda magaalooyinka Afrika. 
Soomaaliya, oo kamid ah dalalka ku abtirsada Afrikada hodanka ah, waxaa dhibaatooyin ku heysa maareyn la’aanta qashinka. In la maal-galin karo haraadiga qashinka–deedna lacag laga sameyn karo–waa arin ku adag aragtida Soomaalida. Balse tusaalaha jira wuxuu caddeynayaa in aduun lacageed laga sameyn karo. Taas oo xitaa dakhli shisheeye dalka soo galin karta. 
Mid tusaalahaas lamid ah, waa  gabadha lagu magacaabo Bilikiss Adebiyi Abiola –  Waxay ku nooshahay Nigeria oo kamid ah dalalka ugu tirada badan Afrika–kaas oo maalin kasta soo saara qashin dhan 10,000 oo mitirc tan. Waxay madax ka tahay shirkad lagu magacaabo We-cyclers, oo qashinka dib-u-habeysa deedna sii iibisa. Bilikiss xittaa waa ardayad jaamacad ka qalin-jabisay taas oo shaqada kaliya ee ay dooratay ah–ururinta qashinka, si lacag looga sameyn karo.

Africas-top-5-Waste-Entrepreneurs Africas-top-5-Waste-Entrepreneurs

Lorna Rutto oo ah gabar Kenyaati ah ayaa iyadna kamid ah tusaalaha qayaxa sida lacag looga sameyn karo qashinka. Rutto waxay kasoo tagtay shaqadeedii bangiga iyada oo gun-dhogtay EcoPost oo kamid ah shirakadaha ugu waaweyn ee dib-u-adeegsada haraadiga qashinka.
Rutto shaqadeeda ayaa laameysay 10,000 oo xarumood–halkaas oo shaqa-abuur ay u nooqtay in-ku-dhow 500 muwaadiniin Kenyaati ah. Waxaa kale oo dakhli ku dhow 150,000 oo doolar ay ku kordhisa miisaaniyadda Kenya.
Hadda waxay ganacsigeeda kusii ballaarinaysaa hal-abuurinta warashad cusub oo howlaheeda ku fududeysa inay dibadda u iib-geeyaan agabyadooda sanadaha soo socda.
Habada, maxaa ku jaban–haddii aan heysano qashin nagu filan iyo shaqaale heegan ah inaan lacag ka sameyn weyno?!
Kolay kaliya waa fikir dhaqaaqay, waxa dadkan ka dhigay inay lacag ka sameeyaan qashinka. Waana aragti huruda waxa naga dhigay inaan qashinka u aragno kaliya cudur–hadana aan tahli la’nahay asturkeeda–iskaba daa inaan ku fikirno lacag sameynteeda. 
Ku biiri aragtidaada boggeenna facebook ama nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!