crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka uu Dhibanuhu Dhulkiisa ku dhinto | HimiloNetwork

Marka uu Dhibanuhu Dhulkiisa ku dhinto

Muqdisho (Himilonews) – Aniga oo maraya waddo dheer oo marta guri laba jidle ah ayay indhahaygu qabteen dad tira badan—oo u kala fadhiya horin horin—kuwaas oo dhawaaq yar isku gudbinayay. In-yar dabadeed waxaan garwaaqsaday in kobta aan taaganahay ay tahay meel aan mar ku booqday dhibane ku noolaa xaalad naf-la-caari ah.
“Adeer ma yarkii xanuunsanaa ayaa dhintay?” ayaan weydiiyay. Isaga oo aan kor ii eegin ayuu igu yiri; “Eebe ha u naxariisto.”
Kobtaas ayaan xaaladiisa dib ugu baraarugay. 
Balse wuxuu muddo maalmo ah bukaan-jiif ku ahaado gurigiisa aduunyo, subax Jimcaad ayaa Eebe oofsaday. Wuxuuna u guuray nagaadigiisa Aakhiro.
Ninka aan ka  hadlayo waa Maxamed, oo laba bil kahor aan gurigiisa ku booqday isaga oo xanuunsan. Halkaas oo warbixin aan kasoo diyaariyey xaggiisa aan ugu magac-daray “Markuu Dhibanuhu Dhulkiisa Doorto.”
Kadib gargaar iyo daryeel aan harsi laheyn oo ay ku wadeen inankooda, waalidiinta Maxamed, saakay waxay iilka u sagootinayaan ubax xanuun la dhaday balse qurux badnaa! Mana ahan saakay subax lamid ah subaxyadii ay ku waabariisan jireen.
Waa subax uga duwan subaxyadii ay dadaal iyo halgan adag la dhinac taagnaayeen wiilkooda—taniyo markii xanuunkiisu uu socodka tiray—taas oo si niyad leh ugu af-meerantay. Badi ehel iyo asxaabtiisu—inuu hed go’ay uguma dhigna—inay ka nasteen xaggiisa, hayeeshe waxay dar Alle u hubaan inuu raaxo kaga hoyday xaraaruggii geeridiisa.
Walaalkiis oo taniyo xanuunkiisa dhinac taagnaa Maxamed, wuxuu ahaa mid rajadii iyo riyadii uu ka lahaa xaggiisa aan marna ku kadsoomin. Wuxuu hubaal u qaatay inuu –tii Alle ku xaqiijiyay—dadaalka la faray Aadanaha. Taas oo ah in doonistu Alle ka sugan tahay—dadaalkuna Aadmiga saaran yahay.
“Waxaad Aadanow maagan tahay- Adiga iyo maankaagu—iyo meel aan Ilaahay kuma marin, kala mid weeyaan.” Abwaan Abdikadir Yamyam.
In-kasta oo uu muddo ku dhow shan bilood sariirta saarnaa—dibnihiisana aan marsiin wax dufan leh, hadana ma aheyn mid sida masaakiinta u dhintay. Wuxuu la noola himilo qurux badan iyo hammi qaayo weynaa!
Waxaana wali sii muuqda raadkii uu kaga tagay nolosha saaxiibadii ku hareernaa. Hayeeshe, inuu han qoto dheer iyo yididiilo nool iilka la galay—oo uu ku darsamay kuwa wali iyaga oo aan hankooda xaqiijin wedku u yimid shaki kuma jirto.
Bahda Himilonews.com, waxay hadaba Alle uga baryayaan inuu Jannadii Firdowso ka waraabiyo—samir iyo iimaana Ilaahay uu kasiiyo intii uu ka tagay.
Isha: Himilonews.com
Agaasimaha Himilonews,
Mr. Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!