Dhanbaallada Jaceylka
Posted by: Zakariya
in Dhanbaallada
December 13, 2015
725 Views
Muqdisho (Himilonews) – Qalbigayga ayaa ila hadlaya oo I dhahaya: nafaqadaadu waa jaceyl, dheeftaadu waa guur, natiijadaadu waa guryosamo lagu nasto oo lagu nagaadee, ha noogin!
-
Waad I dhiirigelisaa. Waxaa qariyo mahaye, nafaad qaadataan ahay, qorshahayga noloshana qeyb kamida ayaa tahay.
-
Haa! Waxaan hayaa jaceyl, wuu I cadibayaa, kama nugli, wuxuu ii diiday farxadii, kaftankii iyo anigoo qayirmay oo dartaa u golon golay.
-
Waxaan sugaa adiga, waana ku sugi doonaa.Taasna waa geesinimadii uu I baray jaceylkaada.
-
Makuu qalmo aniga. Mana istaahili inaan kula wadaago nolosha, laakiin hadii aysan dhibkaada ahayn ii ogolow inaan kusoo biiro noloshaada macaanta badan.
-
Muddo ayaan sugayey in mar un nafta ay inoo dhaxayso. Xusuustayda ayaan la noolaanayaa. Runtii xilligan aan qorayo warqadan waan ilmeynayaa, murugoonayaa.
-
Kama shalaynayo inaan ku jeclaaday laakiin, masuuraysan karo adigoo sey/oori kale xaas u noqonaya. Qalbigaygu imasiinayo inaan maqlo milgo/meyrax ayaa nin/naag kale xillihiisa ah.
-
Adiga hadalkayga hakula ahaado dhalanteed, laakiin maalin ayaad dhabta ogaan doontaa!
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-13
You must log in to post a comment.