crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baro Sirta Cimri-dheerida: La kulan Da’yarta 60-jirka ah | HimiloNetwork

Baro Sirta Cimri-dheerida: La kulan Da’yarta 60-jirka ah

Muqdisho (Himilonews) – Dadku waxay cimriyaan in-ka-badan sidii hore. Maanta, badi dadka dunida ku nool waxay si nabad leh ku gaari karaan da’da lixdan jirnimo, marka loo eego Ururka Caafimaadka Adduunka.
Dalka ah halka ay ku nool yihiin dadka ugu cimriga dheer dunida –taas oo heerka nolol filashadu ay gaarayso da’da 60 jirka – waa Japan.
Waana ku imaaantinka xiga ee dalalka ku taxan badweynta Mediterranean iyo bariga Aasiya kuwaas oo leh dhaqaale sugan iyo hanaan faya-dhowr.
Ku jaan-goynta heerka filasho ee nolosha da’da 60-jirka,  waxay ka dhigan tahay xal loo helay cudurrada ku dhaca dhallaanimada iyo xaaladaha la xiriira faya-qabka nololeed ee da’yarnimada.
Waxaynu weydiinay hal-sahmiyaal dhowr ah sababta dalalkan ay uga nolol dheer yihiin inta kale – iyo sirta ka danbeysa inay cimri dheeraadaan.
-Anshaxa nololeed ee Japan-
Dadka reer Japan kuwaas oo badi cagta wada dhiga da’da 60-jirka waxay sii noolaadaan celcelis ahaan da’da 86-jir – taas oo ka badan meel kale oo dunida ah.
Wax ka badan rubuc tirada dadka reer Japan waxay hadda jiraan 64-sano jir. Halka bulshada guriga Okinawa ay leeyihiin isku  celceliska ugu badan ee da’da cimri-dheeriga ku gaaroobay.
“Qeyb kamid ah middaas waa cunto-dhaqameedka Japan,” ayuu yiri John Beard, oo agaasime ka ah waaxda da’da iyo heerka nolosha u qaabilsan (WHO). Cunno-dhaqameedkaas waxaa ku jira kalluun dubaax ah, dhirta ama qudaarta iyo yareynta heerka dufan ee laga helo hilibka. “Hayeeshe, cunto-dhaqameedka waa la rogay,” ayuu sii raaciyay Beard isaga oo mala-awaalaya inay jiraan cunnooyin kale oo lagu kordhiyay oo ah cunno fudud.
“Qeyb kale oo kamid ah waa qaab-nololeedka … taas oo ah inay leeyihiin habab heyb-sooca lana howl-gala xaaladaha cuncunka leh sida cadaadiska dhiigga,” ayuu yiri Beard. Firfircoonida qaab-nololeed ee da’da culus waa hal-dhaqanka Japan taas oo ah in la isku dheelli-tiro heerka cunno iyo leyli ee qofku si maalinle ah u joogteeyo.
Sarah Harper, oo ah bunni Gerontology-ga ka dhigta jaamacadda Oxford ayaa sidoo kale sheegaysa sir kale oo ku saabsan cimri-dheerida dadka Japan.
“Waxay leeyihiin dhumuc adag oo kulanti bulsho ah sida tan qoyska taas oo bogsiisa is-faham-waaga dhaqamada kala duwan,” ayay tiri iyada oo intaas sii raacisay “Japan waxaa kale oo ka jira sinnaan bulsho taas oo qof walba ku caawisa inuu ku waaya’aragoobo faa’iidooyinkan.”
Cunno-fiican, qaab-nololeed geyfan oo da’da culus ah, ka bogsashada walwalka iyo helidda taageero badan – dhab ahaan waynu ogahay muhiimadooda. Hadana dalalka oo dhan ma ahan kuwo la qabsanaya.
“Waxaynu Yurub ku aragnaa da’da culus inay ka badan tahay da’da fudud,” ayay tiri Harper. Qaaradda Yurub guud ahaan dadkeeda, in-ka-badan barka tirade ku nool waxaa loo fishaa inay sii noolaan karaan ilaa iyo da’da 80-jirka – gaar ahaan koofurta – taas oo sababteeda leh cunista cuntada Mediterranean.
Cilmi-baaris dhawaan la sameeyey ayaa muujisay in dadka ku nool kheyraadka badda sida cuntada Mediterranean-ka ay jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad ku cimriyaan.
Italy, Spain iyo France ayaa waxaa ku nool da’da celcelis ee 85-irada kuwaas oo faya-sami ku dhaafay da’da 60-jirka –balse Beard wuxuu intaas kusii darayaa in doorka cimilada ay qeyb ku leeyihiin faya-samida da’da culus.
“Waxaa jira dhaqamo firfircooni jireed ah –doorka cimiladuna waa mid si fudud xaaladooda ula xiriira,” ayuu sheegay Beard. Dalalka qabow iyo kuwa jiilaalka daran waxay furfurnaanta qaab-nololeedka ku yihiin  caqabad.
Si kastaba, hal mid ayaa cimri-dherertada ka caawisay noloshooda taas oo ah in casriga maanta uu ka fudud yahay kii awoowayaasha.
“Haddii aad is-barbar dhigto nolosha qofka maanta jooga iyo kii joogay qarnigii 19aad, waxaa hubaal ah inaynu kaliya la wada halgameyn samata-baxa nolol maalmeedka,” ayuu yiri Beard.
“Mid kamid ah siyaalaha durjinaya cimri-dheerida bulshooyinkan, waa inay ku nool yihiin nolol ka walwal yar midda waayaheenna.”

d2 d3 d4 d5 d6 d1

Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!