Accra (HN) — Xaafadda Mafi Dova ee koofurta Ghana waxaa ku nool shan kun oo qof oo midkoodna uusan ku dhalan gudaheeda. In lagu dhalo carruur dhexdeeda waxaa loo arkaa mid aan la qaadan karin sababo caqiido oo ay rumeysan yihiin awgeed. Sidaas darteed, hooyooyinka fooshoodu soo dhowdahay, waxaa loola cararaa duleedkeeda si ay ugu soo dhalaan. In kasta oo ...
Read More »Wararka
Laba-wejiilanimada lagu arkay Galbeedka kaddib Xasuuqii New Zealand.
MUQDISHO (HN) — Xasquuqii loo geystay Muslimiinta ku cibaadaysanaysay laba Masjid oo ku yaalla New Zealand waxay dhabtii xanuun ba’an ku reebtay adduun-weynaha siiba Muslimiinta dhibanayaasha u ah falalka ay sameeyaan in yar oo xagjir ah. Taniyo Jimcihii markii gumaadka bahalnimada ah uu galaaftay nolosha 50 qof oo iskugu yimid salaadda Jimcaha, dunida oo dhan waxaa hareeyay qeyla-dhaan iyo canbaareyn. ...
Read More »Tacadiga Maxaa wehel uga dhigay Dhedigta?!
MUQDISHO (HN) — Dhibaatada, qaxa, dhimashada, dhaawaca, rafaadka iyo harjadka nolosha waxay kala simantahay raga oo ah kuwo ku xeeran. Balse waxaa intaa u dheer ku dhibaateynta sameynta Alle oo uu kaga duway rijaalka. Ka warhaynta gabadha iyo u samafalkeeda waa arrin ay garto ruux walbo oo caaqil ah kaas oo ay ku jirto naxariis bani aadanimo. Kufsiga iyo faraxumeynta ...
Read More »Maxaa laga fishaa Saxaafaddeenna iyo Siyaasigeenna marka ay Musiibooyin dhacaan?
MUQDISHO — Sannadkii 2013-ka, waqti galab ah waxaan maqalnay in kooxda al-Shabaab ay qabsatay dhismaha Westgate Mall. Xaalkuna wuxuu ahaa mid gilgilay qalbiyada Kenyaanka. Wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo al-Shabaab ay ku qabsadaan xarun ganacsi oo – Meesha ay ku taallo marka loo fiiriyo – ay adkeyd in laga filasho weerar sidaas oo kale inay kusoo qaadi karaan. Balse ...
Read More »Boqor Muslim ah oo noqday ninkii ugu taajirsanaa ee abid soo maray dunida.
MUQDISHO — Aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa hadda ah qofka ugu taajirsan adduunka, sida lagu qeexay liiska bilyaneerrada sannadka 2019-ka ee ay isbuucan shaacisay hay’adda Forbes. Hantidiisa qiimaheeda waxaa lagu qiyaasay $131bilyan oo doolar, oo u dhiganta 99bilyan oo gini. Laakiin Jeff wuxuu noqonayaa qof lacag yar heysta marka la barbar dhigo ninkii ugu taajirsanaa ee abid soo maray ...
Read More »Carruur Waalidkooda Maxkamad ku taagaya sababta ay Sawiradooda usoo dhigaan BB.
MUQDISHO (HN) — Waxaan dhammaanteen jecelnahay inaan baraha bulshada ku wadaagno sawirrada saaxiibada iyo dadka aynu jecelnahay – innaga oo aan is weydiinin cawaaqibta ka ratibmi karta. Balse sheeko ka dhacday dalka Talyaaniga ayaa caddeynaysa in marwalba aysan sahlaneyn in qofkaada – carruurta – aad sawiradooda soo dhigto baraha bulshada. 16-jir u dhashay Talyaaniga ayaa maxkamad hooyadiis kula fuulay sababta ...
Read More »Maareeye Bangi oo – si uu u kaalmeeyo Danyarta – u dhaca Koontada Maal-qabeennada.
ROMA (HN) — Gilberto Baschiera oo ah maareeyihii hore ee bangi ku yaalla Forni di Sopra oo ah xaafad yar oo ku taal dalka Talyaaniga ayaa lagu naaneysaa Robin Hood Banker kaddib markii adduun dhan 1.5 milyan oo Doollar uu kala baxay koontooyinka maal-qabeennada ay ku lahaayeen bangigiisa si uu ugu caawiyo danyarta aan awoodin amaah-qaadashada inay u helaan ruqsad. ...
Read More »La kulan – Da’yar xal-u-helay mushkilad ka heysatay ciriiriga waddooyinka.
MUQDISHO (HN) — 29-jir u dhashay Shiinaha oo ka shaqeeya shirkad caymis ayaa helay xal fudud oo uu kaga adkaan karo ciriiriga ka jira waddooyinka iyo waqtiga badan ee kaga baxa socdaalkiisa shaqada. Liu Fucao wuxuu ka shaqeeya degmo ka baxsan degaankiisa rasmi ah oo uu subax walba kasoo jarmaado. Balse labada degmo waxaa dhex mara webiga Yangtze oo ah ...
Read More »Hooyo – si uusan uga gaajoon inankeeda oo qabatimay game-ka – cunnada ugu geysa goobtiisa.
MANILA (HN) — Muuqaal fiidiyow ah oo ku baahay baraha bulshada Filibiin oo hooyo ay maalin walba cuno ugu qaado wiilkeeda 13-jirka ah kaas oo diiday inuu kasoo tago goob lagu ciyaaro fiidiyow game uu dul fadhiyay muddo 48 saacadood ah ayaa noqday midka ugu hadal heynta badan. 37-jirta Lilybeth Marvel oo ah hooyada dhashay Carlito waxay dareentay is-beddelka inankeeda ...
Read More »Yaa iska leh eedda Xoolaheenna ku dayacan Waddooyinka Caasimadda?!
MUQDISHO (HN) – Ku dhawaad toban tallaab marka horay looga sii dhaqaaqo Is-goyska Bakaaraha, waxaa iiga muuqda tiro lo’ ah oo aan qiyaastii ka yareyn 30 neef, kuwaas oo marsha-biyeediga dhexe ee laamiga ku cunaya harharka cunnooyin la nacay oo ay ka heleen haweenka qudaarta ku iibiya labada dhinca ee laamiga. Waa xilli galab ah. Waxaana waddada ka jira ciriiri ...
Read More »