Sheekadiisu waxay bilaabatay sanadkii 2008-da, markii Zhou Yusong uu ogaaday eeyaha dhaawacan oo waddada dhinaceeda jiifa. Waxaa jug siiyay gaari, noloshuna way ku adkeyd. Qof walbana wuu iska indha-tiray. Awoodi waaga inuu sidaas oo kale sameeyo, wuxuu eygii u qaaday isbitaalka xanaanada rabaayadaha.
Lasii yaabista tirada eeyaha badan ee la dulmiyay, wuxuu isku dayay inuu noloshooda hagaajiyo. Wuxuu bilaabay bil walba inuu 30$ ugu deeqo cunnada iyo dawada ay uga baahan yihiin.
Dareemista inuusan sidii ku filnayd wax u wadin, Zhou Yusong wuxuu saaxiibkii ka raadiday inuu 800,000 yuan – una dhiganta 122,000$ ku maal-geliyo xarunta cusub oo lagu xanaaneeyo xayawaannada oo daanta webiga Yellow dhacda. Wuuna ka aqbalay. Waxaana Zhou lagu wareejiyay maareynteeda.
Marka loo eego  Xwtoutiao, Zhou wuxuu samata-bixiyay eeyo ka badan 700 iyo noolayaal kale oo dab-joog yaryar ah sideedii sano ee lasoo dhaafay. Mana qaadanin wax fasax ah taniyo markaas. Wuxuu saddex kun oo malamood uu ku qaatay xaruntiisa daryeelka ku hubsaday inay helaan xanaanada u baahnaayeen.
Waxaa shaqadiisa maalinle ah ku jira siinta cunnada iyo daweynta ay joogtada ugu baahan yihiin iyo ku ilaalintooda xeyn-daabka si aysan uga soo caban jaarkiisa.
Dhawaantan, wuxuu malaayiin qadarin ah ka helay shacabkiisa kadib markii sawirro laga qaaday isaga iyo eeyihiisa ay direen farriin insaani ah.