crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan – Ninka badbaadiyay nolosha 700 Eeyo ah. | HimiloNetwork

Lakulan – Ninka badbaadiyay nolosha 700 Eeyo ah.

Beijing (Himilonetwork) – Zhou Yusong waxaa looga yaqaan ‘Ilaaliyaha Eeyaha’ magaaladiisa Zhengzhou, gobalka Henan ee dalka Shiinaha. Qalbi-nuglahan wuxuu 8 sano oo cimrigiisa kamid ah ku bixinayaa badbaadinta eeyaha laga danaystay – isaga oo gabaad iyo gargaarba ugu fidiya hoygiisa.
Sheekadiisu waxay bilaabatay sanadkii 2008-da, markii Zhou Yusong uu ogaaday eeyaha dhaawacan oo waddada dhinaceeda jiifa. Waxaa jug siiyay gaari, noloshuna way ku adkeyd. Qof walbana wuu iska indha-tiray. Awoodi waaga inuu sidaas oo kale sameeyo, wuxuu eygii u qaaday isbitaalka xanaanada rabaayadaha.
Lasii yaabista tirada eeyaha badan ee la dulmiyay, wuxuu isku dayay inuu noloshooda hagaajiyo. Wuxuu bilaabay bil walba inuu 30$ ugu deeqo cunnada iyo dawada ay uga baahan yihiin.
Dareemista inuusan sidii ku filnayd wax u wadin, Zhou Yusong wuxuu saaxiibkii ka raadiday inuu 800,000 yuan – una dhiganta 122,000$ ku maal-geliyo xarunta cusub oo lagu xanaaneeyo xayawaannada oo daanta webiga Yellow dhacda. Wuuna ka aqbalay. Waxaana Zhou lagu wareejiyay maareynteeda.
Marka loo eego  Xwtoutiao, Zhou wuxuu samata-bixiyay eeyo ka badan 700 iyo noolayaal kale oo dab-joog yaryar ah sideedii sano ee lasoo dhaafay. Mana qaadanin wax fasax ah taniyo markaas. Wuxuu saddex kun oo malamood uu ku qaatay xaruntiisa daryeelka ku hubsaday inay helaan xanaanada u baahnaayeen.
Waxaa shaqadiisa maalinle ah ku jira siinta cunnada iyo daweynta ay joogtada ugu baahan yihiin iyo ku ilaalintooda xeyn-daabka si aysan uga soo caban jaarkiisa.
Dhawaantan, wuxuu malaayiin qadarin ah ka helay shacabkiisa kadib markii sawirro laga qaaday isaga iyo eeyihiisa ay direen farriin insaani ah.
Guardian-of-Dogs4-750x467 Guardian-of-Dogs-750x499
Guardian-of-Dogs3-750x500
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!