crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan – Haweeney aan Raashiin cunin muddo 60 sano. | HimiloNetwork

Lakulan – Haweeney aan Raashiin cunin muddo 60 sano.

New Delhi (Himilonetwork) – Saraswati Bai, oo 75-jir oo Hindiya ku nool waxay sheegataa inaysan cunin cunno – bariis iyo wax kale oo engegan – 60-kii sano ee lasoo dhaafay. Marka laga yimaado hal moos toddobaadkiiba – oo waliba ay marmar cunto – waxay kaliya ku nooshahay biyo iyo shaah.
Saraswati waxay xusuusan tahay inay cunno fiican qaadan jirtay kahor inta uusan ku dhicin Tiifow markii ay dhashay curadkeeda 60 sano kahor. Waxna maysan liqi karin waxaana heyn jiray calool xanuun. Sidaas darteed waxay gebi iska wada deysay wax cunista. Markii caafimaadkeedu isasoo taray, waxay bilowday inay shah cabto – mana uusan soo laaban abitayt-kii ay wax ku cuni lahayd.
Seygeeda ayaa kula taliyay inay wax cunto; mana awoodin. Waxay wacnaan ku dareentay cabitaanka iyo shaaha oo kaliya. Ilaa iyo maantana way ku nooshahay.
Waxay markaas kadib dhashay shan carruur iyada oo qeyb ka ahayd howlaha reerkeeda. Tiiyoo aysan cunnada qaadanin badi cimrigeeda, waxay sheegtay inay leedahay daaqad ku filan, xittaa maanta, da’deeda 75-jirka waxay shan saacadood maalintiiba ku bixisaa beertooda.
Dad badan ayaa markii ay maqleen sheekadeeda waxaa ku adkaatay inay rumeystaan. Waxaase sheegashadeeda rumeyn kara reerkeeda iyo jaarka kula nool magaalada Madhya Pradesh ee dalka Hindiya.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!