crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Da’yar xal-u-helay mushkilad ka heysatay ciriiriga waddooyinka. | HimiloNetwork

La kulan – Da’yar xal-u-helay mushkilad ka heysatay ciriiriga waddooyinka.

MUQDISHO (HN) — 29-jir u dhashay Shiinaha oo ka shaqeeya shirkad caymis ayaa helay xal fudud oo uu kaga adkaan karo ciriiriga ka jira waddooyinka iyo waqtiga badan ee kaga baxa socdaalkiisa shaqada.


Liu Fucao wuxuu ka shaqeeya degmo ka baxsan degaankiisa rasmi ah oo uu subax walba kasoo jarmaado. Balse labada degmo waxaa dhex mara webiga Yangtze oo ah webiga ugu dheer qaaradda Aasiya. Taniyo lix bilood kahor, wuxuu sida dad kale safarkiisa u adeegsan jiray gaadiidka balse sababo shaqo awgeed waxaa ku qasbanaatay inuu goor hore shaqadiisa soo tiigsado.

Waxay caadiyan ku qaadanaysay saacad ka badan inuu kaga yimaado guriga kuna soo gaaro goobtiisa shaqada. Mana u dulqaadan karin ciriiriga taraafikada ee waddooyinka ka jira. Wuxuu muddo laba sano ah qeyb ka ahaa tartan webiga labadiisa dhinaca loogu kala gudbi jiray – iyada oo la adeegsanayo loox casri ah oo sida doomaha loo farsameeyey.

Maalin maalmaha kamid ah si kastaba, wuxuu isku dayay inuu looxiisa uga gudbo webiga. Wuxuuna ogaaday inuu muddo lix daqiiqo ah uga soo tallaabay geesta kale ee webiga. Sidaas darteed, subax kasta wuxuu safarkiisa uga soo dhacaa dhanka webiga – isaga oo adeegsanaya isla looxiisa lagu dul maro webiga.

Marka uu rabo inuu soo fuulo looxiisa, wuxuu agabkiisa shaqada iyo dharkiisa ku ridaa bac adag kaddibna marka uu kasoo dego looxa ayuu iska beddelaa. Wuxuuna xirtaa kuwa shaqadiisa loogu tala-galay – isaga oo sidoo kale kilkilaha ku sita looxiisa.

“Waa masaafo dhan 1,000 inaad labadiisa u dhinac kaga tallawdo, waxayna igu qaadanaysa waqti aan badneyn – lix daqiiqo. Waana mid aan uga sahlan sidii hore – ugana fudud qiimo ahaan,” ayuu yiri.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!