crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo Xabsi ka dhisatay Gurigeeda si ay ugu ilaaliso wiilkeeda maandooriyaha qabatimay! | HimiloNetwork

Hooyo Xabsi ka dhisatay Gurigeeda si ay ugu ilaaliso wiilkeeda maandooriyaha qabatimay!

MUQDISHO (HN) – Hooyo Thailand kasoo jeeda oo qadyaan ka joogtay sidii ay wiilkeeda uga goyn kari lahayd maadooriyaha uu qabatimay ayaa la timid xal dunida oo dhan ka yaabiyay!

In ka badan 20 sano ayuu wiilkeeda oo 42 jir ah isticmaalayaa maandooriyaha, laakiin hadda haweeneydan 64 jirka ah oo ku nool Buriram waxay la timid arrin ay sharihiisa ay uga magangelin karto nafteeda iyo deriskeeda. Dhawaan ayay qolada dhismaha qaabilsan ka dalbatay inay xabsi uga dhisaan guriga dhexdiisa si ay ugu korjoogteyso inankeeda. Waxay booliska u sheegtay inay wiilkeeda kala daashay goobaha lagu dhaqanceliyo da’yarta maandooriyaha qabatima oo dalka Thailand oo dhan ku kala yaalla. Laakiin waxba way kasoo naaso-caddaan waayeen. Wuxuuba sii noqday carcar iyo qof maran oo dadka dagaal siiya.

Waxayse kasii dartay xaaladdu markii inankeeda uu maandooriyaha ku darsaday qamaarka inuu dheelo, waana markii ay ugu dambeyntii go’aansatay inay indhihiisa qorraxda ka qariso.

“Muddo badan ayaan cabsi ku noolaa,” ayay u sheegtay warbaahinta. “Taniyo muggii seygeygu dhintay ayaan isla nooleyn wiilkayga, niyadjabkii uu ka qaaday geerida aabbihii ayaa sababtay inuu waaqica kaga dhuuntay isticmaalka maandooriyaha. Sidaas darteed, xabsi ayaan guriga dhexdiisa uga suubiyay, si aan naftayda iyo jaarkayga u nabad galaan.”

Xabsigu wuxuu u qaabeysan yahay sida xabsiyada kale. Waxaa usii dheer inuu u leeyahay qad internet ah oo uu ku dhex isticmaalo iyo kaamiro CCTV ah oo ay dhaqdhaqaaqiisa kula socoto.

Lama oga sida ay boolisku arrintan ku ogaadeen. Balse markii ay booqanayeen gurigeeda ayaa wejiyadooda laga fahmi karay inaysan la dhacsaneyn tallaabadeeda. Qolada sharci-yaqaannada ahina waxayba ku doodayaan in falka ay haweeneydan kula kacday wiilkeeda uu ku noqon karo xadgudub ay ku maalmartay sharciga xeerka ciqaabta ee dalkaas u degsan. Wayna u badan tahay in lagu qaado dambigaas.

Balse booliska ayaa u sheegay inay burburiso dhammaanba xabsiga ay guriga ka dhex dhistay – waxayna u balanqaadeen inay geynayaan meel ku habboon ammaankiisa iyo naftiisa.

Sheekadan ayaa daboolka ka qaaday sida maandooriyuhu dhibaato ba’an ugu hayo dalka Thailand.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!