crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 17

Wararka

Webiga ugu ‘Dhuuban’ Caalamka+ Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Hualai River oo ku yaalla dalka Shiinaha waxaa ilaa hadda loo og yahay inuu yahay webiga ugu dhuuban caalamka oo meeshiisa ugu ballaaran ballac ahaan ay la’eg tahay ama dhan tahay in yar oo centimerro ah. Webiga Amazon waa kan ugu ballaaran baaxaddiisa labada dhinac oo ay isku jira fogaan dhan lix meyl (6 mile) marka uu ...

Read More »

Sababta ‘Nin loo xiray Shan jeer’ Saddex Maalmood gudahood.

MUQDISHO (HN) — Nin Shiinees ah ayaa toddobaadkii ugu xumaa noloshiisa la kulmay kaddib markii la xiray shan jeer saddex maalin gudahood – isaga oo lagu qaldayo qof maxbuus ah oo aad ugu eg weji ahaan iyo jir ahaanba. Sannadkii 2021, dambiile lagu magacaabo Zhu Xianjian ayaa maareeyey inuu ka baxsado xabsiga. Maamulka gobalka iyo tan degmadana waxay heegan ugu ...

Read More »

Monkey Mia – Meesha Qura oo ay ku kulmaan Badbaadisooyinka + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kalluunku waa noolaha kaliya ee reer badeedka ah oo ay dadku arkaan inta badan ama ay cunaan. Laakiin in yar oo xattaa kamid ah kalluumaysatada, waxaa ku adag inay joogto u arkaan badbaadisada ama dolphin. Hayeeshe, xeebta Monkey Mia oo dhacda galbeedka dalka Australia waa meesha ay sida maalinlaha ah ugu kulmaan badbaadisooyin badan. Monkey Mia waxay ...

Read More »

Sida loogu diirsaday halgankii laamiga looga dhex dusiyay buurta oo dadkeedu ku tanaadeen + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Shenlongwan waa xaafad ku dhex qarsoon buuraha Taihang ee dhaca gobalka Shanxi. Aad bayna ugu adkaan jirtay dadka xaafadda inay dibadda uga soo baxaan. Waxaa qasab ahayd in qof walba oo kasoo baxaya uu soo fuulo gebiyada buurta oo ku qaadan jirtay ku dhawaad lix saacadood si ay tubaha jaranjarada iyo toobiyaha isugu jira ugu soo dhacaan. ...

Read More »

Maqaayadda Kalluunku ku dhex dabaasho + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kalluunku wuxuu asalba ku nool yahay baddaha iyo webiyada, waxaana dhacda in dadku badigood ay aadaan badaha si ay usoo arkaan. Laakiin hadda gudaha maqaayad ku taal Khanom, dalka Thailand, uma baahna inay badda u dalxiisaan. Waayo waxay kula kulmi karaan gudaha maqaayadda iyaga oo weliba sida badda lugala kula jira biyo jooggoodu nus mitir yahay oo ...

Read More »

Naafada Eeyaha ah oo helaya Daryeel caafimaad + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Daryeelka noolaha Ilaahay ku abuuray ifka looma wadda sinna ee waa loo kala dhowyahay. Dunida Muslimka oo ay ahayd in looga daydo xurmada iyo qaddarinta noolayaasha Ilaahay uu khaliifo inooga dhigay ilaalintoodana, waa meelaha loogu dhibaataynta badan yahay. Marka ay timaado nolosha eeyaha ku noolna, kumaba sii jirto. Laakiin sheekada soo aadan waa tusaale kamid ah tusaalayaasha ...

Read More »

La kulan – Dhaqtarka – si lacag la’aan ah – Indhaha ugu fiiqay 100,000 oo Qofood.

MUQDISHO (HN) — Dhaqtar indhaha daweynta ku gaaroobay oo ku nool dalka Nepal, waa halyey geyfane ah. Wuxuu howl uu keli ku ahaa ugu guuleystay inuu aragga indhaha dib ugu soo celiyo dadka lagu qiyaasay 100,000 oo qof kuwaas oo ku kala nool laba qaaradood. Waana shaqo midkood kamid ah dadkaas uu ugu fuliyay shan daqiiqo. La kulan dhaqtar Sanduk ...

Read More »

La kulan – Dhaqtarka Ilmaha Faruuran ee Saboolka u sameeya Qaliimo lacag la’aan ah.

MUQDISHO (HN) — Dhaqtar ku nool dalka Hindiya waxaa loo yaqaan halyeyga dadka saboolka ah madaama uu noloshiisa inta ugu badan u hibeeyey caawimada ilmaha faruuran ee kasoo jeeda qoysaska saboolka ah – ilaa iyo hadda wuxu qaliimo u fuliyay dad lagu qiyaasay 37,000. Faruurnimadu waa dheeli xagga afka ah oo ay ilmuhu la dhashaan kaas oo kasoo bilowda xilliga ...

Read More »

Gaarigii ugu horreeyey oo Bas iyo Tareen isku ah oo lagu sameeyey Japan +Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Gaari nuuca DMV (Dual mode vehicle) oo ku socon kara laamiyada iyo dhabbe-bireedyada ay tareennadu ku socdaan ayaa lagu sameeyey dalka Japan. Si isku mid ayuu marba ugu socon karaan labada jid. Waxaana sida tareenka iyo basaska loogu qabsan karaa howlaha loogu tala-galay. Si gaar waxaa loogu tala-galay in dadka miyiga fog ku nool ee da’da cuslaatay ...

Read More »

Car-Jitsu – Legdanka lagu qabto gudaha Baabuurta.

MUQDISHO (HN) — Aalaaba kuwa legdama waxay isku balansadaan meel bannaan ama barxad. Laakiin way adag tahay inaad ku dhex legdantid gudaha gaari. Balse taasi ma ahan dhaqan hadda ku adag dalka Brazil oo uu ka jiro Car-jitsu oo ah hab legdan ay labada legdamaysa ay ku dhex legdamaan gaari gudihiisa. Sida legdanka caadiga ah, waa ka mamnuuc in meelaha ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!