crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Halyeyga magangalyada u fidiyay in ka badan 300 oo xayawaanno ah. | HimiloNetwork

La kulan – Halyeyga magangalyada u fidiyay in ka badan 300 oo xayawaanno ah.

MUQDISHO (HN) — Geyfane u ol’oleeya xuquuqda xayawaannada oo ku nool Mexico ayaa loogu yeeray halyey qaran kaddib markii uu hoy u fidiyay ku dhawaad 300 oo eeyo ah iyo xayawaanno kale oo ku dayacnaa jidadka waqtiga dabeysha Hurricane ay ku dhifatay dalkaas.

Eeyaha, bisadaha, Bakeylayaasha iyo wixii soo raaca ayuu durba u sameeyey hoy u kaga gaashaantaan qabowga iyo dayac-xumida ay wajahayaan waqtigan.

“Ilaa waqtiyada adag laga baxayo – maba ogi inta ay la eg tahaye – waxaan wadayaa inaan magan-galyo siiyo dhibanayaasha aamusan ee waliba ku sugan waqtiga adag,” ayuu yiri Ricardo Pimentel.

Sawirada gurigiisa oo ay tuban yihiin xayawaanno u badan eeyaha ayaa ku baahay baraha bulshada Latin Americo. Waxaana loogu yeeray halyey dhiirran iyo horseed. Dad caan ah oo ka fal-celiyay sawirada ayaa bogaadiyay kaalintiisa.

Laakiin, hadda oo laga baxay waqtigii adkaa, Richardo ayaa go’aansaday inuu goobtiisa ka dhigo xarun si joogto ah u qaabisha xayawaannada dayacan iyo kuwa dhiban. Wuxuuna codsanayaa kaalmo isugu jira nuuc walba oo gargaar ah in lala soo gaaro.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!