crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Eygii – si uu ula midoobo reerkiisa – 60km usoo jaray. | HimiloNetwork

Eygii – si uu ula midoobo reerkiisa – 60km usoo jaray.

MUQDISHO (HN) — Ey daacad ah ayaa maareeyey inuu dib u laabasho cajiib ah ku sameeyo guriga reerkiisa oo u jira 60km kadib markii lihilihiisa uu kaga lumay boosteejo tareen.

Eyga oo lagu magacaabo Dou Dou, waa 7 jir ay korsadeen qoys Shiinees. Bil kahor iyaga oo ku wada sugan goob laga raaco tareennada waxaa uga lumay eygooda. Qofna maanu dareemin maqnaanshihiisa ilaa goor danbe oo ay dib ugu soo laabteen goobta. Nasiib-darro kuma arag halkii ay ku ogaayeen.

Si kastaba, bil kaddib eygan ayaa sameeyey soo gurya-noqosho cajiib ah. Waxaana – marka laga soo tago daalkii badnaa – uu u muuqday mid caafimaad qaba.

Mr Qiu oo ah lihilihiisa ayaa sheegay in Dou Dou uu kaga lumay si kedis ah iyaga oo ku sugan boosteejada. Markii uu ku daalay raadintiisa, Qui wuxuu sheegay inuu ka quustay gebi ahaanba heliddiisa.

Balse, toddobaadkii tagay, Qui ayaa duleedka gurigiia ku arkay ey ay ka muuqatay diif iyo rafaad oo ku gaaf-wareegaya muska.

Sheekada eygan ayaa qabsatay baraha bulshada Shiinaha halkaas oo laga bixiyay farriimo isugu jira lama filaan iyo suura-gal.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!