crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Canbaareyn loo jeediyay Shirkad muddaysa waqtiga isticmaalka Musqulaha. | HimiloNetwork

Canbaareyn loo jeediyay Shirkad muddaysa waqtiga isticmaalka Musqulaha.

MUQDISHO (HN) — Kuaishou oo ah shirkad tiknooloji oo xarunteedu tahay Beijing ayaa caro xoogan ka dhex abuurtay baraha bulshada Shiinaha kadib markii musqulaha ay adeegsadaan shaqaalaheeda ay ku kor dhejisay tirisada waqtiga.

Muuqaallada oo ku baahay baraha ay adeegsadaan Shiineeska ayaa caro xooggan kala dul dhacay – iyaga oo falkan ku tilmaamay mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Shirkadda ayaa sheegtay in yoolku ahaa si loo helo wax-soo saar muuqda loona kordhiyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha.

Balse in kale ayaa difaac u noqday habraaca cusub ee shirkadda – iyaga oo ku eedeeyey shaqaalaha inay waqti badan ku bixiyaan adeegsiga suuliga iyo sidoo kale inay xayiraad ku sameeyey xuquuqda kuwa kale ee doonaya inay adeegsadaan.

In kasta oo farriimaha laga bixiyay ay u badnaayeen diidmo iyo dhaleeceyn, haddana shirkadda Kuaishou ayaa sheegtay in hadafku uusan ahayn mid lagu xadidayo waqtiga adeegsi ee musqulaha. Waxay sheegtay in yaraanta musqulo badan iyo isku dheelli-tirta shaqaalaha iyo baahida ay u qabaan hadiyo jeer adeegsigooda ay la timid in la xisaabiyo tirada ugu badan ee isticmaasha maalin walba. Natiijada kasoo baxda ayay ku sheegtay inay ku dooneysay sameynta musqulo guurguura si loogu sahlo howl-wadeenada isticmaalkeeda.

Balse jawaabtaasi kama horjoogsan in badan inay canbaareyn u jeediyaan shirkadda iyaga oo ugu yeeraya mid ku dan gaaraysa shaqaalaheeda oo aysan ixtiraam iyo qaddarin u heynin.

Waqti isku qabashada adeegsiga musqulaha waa arrin ugub ku ah Shiinaha, waxaase sida caadada ah shirkadaha waddanka ay siiyaan waqti ku filan oo 10 daqiiqo ah maalintii oo dhan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!