crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> iPhone-kaadii hadda waxaa lagaaga dhigi karaa iPhone 12. | HimiloNetwork

iPhone-kaadii hadda waxaa lagaaga dhigi karaa iPhone 12.

MUQDISHO (HN) — Xilli dhawaan la daah-furay jaadka cusub ee iPhone 12, haddii ay kugu adag tahay inaad gadato ama gaari la’dahay halkii aad ka gadan lahayd, shirkad Shiinees ah ayaa war farxad leh la wadaagaysaa bahda jecel sidashada iPhone.

Jaadadkii hore ee iPhone-ka sida iPhone X iyo iPhone 11 hadda waxaa lagaaga dhigi karaa iPhone 12 iyada oo lagaaga beddelayo qolofka kore loona ekeysiinayo midka hadda suuqa ku jira.

iPhone X waxaa qolofkiisa si lagaaga dhigo iPhone 12 bixinaysaa 450 yuan ($67) halka iPhone 11 si lagaaga dhigo iPhone 12 aad bixinayso 350 yuan ($52.

Howshan ayaa kaliya ku siman qolofka kore. Laakiin wax xiriir ah lama lahan gudaha mobilka iyo aaladaha ku jira.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!