crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 108

Wararka

Ka ganacsiga Dhuxusha

Wardhiigleey, Muqdisho – Si maalinle ah toddobaad kasta, Maamooy waxay baqaar ay ku leedahay suuqa Siinaay ku iibisaa dhuxusha—wadar iyo hal-halba. Waxay iyada oo sidata boorsadeeda ku soo jarmaadaa seyladda si ay macmiisheeda uga iibiso dhuxusha oo ah ganacsi dhantaal ku wada isku dheelli-tirnaanta ka dhaxeysa deegaanka, duunyada iyo dadka. Bishiiba ku dhawaad 500-loor ayaa laga iibsadaa—taas oo faa’iido muuqata ...

Read More »

Xirfadleyda Japan: Shaqaale Xurmo iyo Xoolaba ku helay Xooggooda!

Tokyo, Japan (Himilonews) – Marka aad joogto Japaan iska ilaali inaad howl-wadeennada nadaafadda magac-bixin uga dhigto xirfadooda. Naaneysaha muujinaya liidnaan xirfadeed, waa ka mamnuuc gudaha Japan. Waayo ma ahan shaqaale lamid ah kuwa Soomaaliyeed oo ixtiraam iyo qadarin ku waayay howshooda. Tani waa qadarin iyo xurmo-dhowr dadka reer Japaan u hayaan howlwadeennada ku mashquulsan faya-dhowrkooda. Caadiyanba, dalka Japan lagama yaqaan ...

Read More »

70—sano kadib Mahadhadii Hiroshima, JAPAN waxay ku baaqday NABAD

Muqdisho (Himilonews) – Isugu soo bixista ban-dhig lagu xusayay musiibadii Hiroshima, madaxda Japan waxay Nugliyeerka ku sheegeen colka nolosha, tiiyoo wali loo kala dheereynayo sameysashadiisa. “Waa in dunida lagu wadaa hab ku dhisan is-faham iyo wada noolaansho,” ayaa laga soo xigtay isaga oo dhahaya ra’iisul wasaaraha Japan oo ka qadka tilifooonka uga qeyb-qaatay munaasabadda lagu xusayay dhacdooyinkii mahadhada reebay ee ...

Read More »

Baalashley: Da’yar–Raran iyo Rajo u dhaxeysa.

–Raran iyo Rubad- Muqdisho (Himilonews) – Kolka uu Jiisow Caseeye subax kasta usoo ban-baxo inuu ku shaqeysto xirfadiisa, wuxuu ku warwaraa inta shilin ee jeebkiisa dhib-yari ugu dhici doonta. Wuxuu aroorta kasta—isaga oo wata daasad ay ku jiraan buraashyo, luujito, tirtire, cirbad, dun iyo wixii la halmaala—kasoo jarmaadaa gurigiisa. Maalin waxoogaa ayuu dhuunta u diraa: inna reerkiisa dhigaal uga dhigaa. ...

Read More »

Nadaafadley: Xoogsato qadarin mudan!!

Soo sawiray: Bahda Himilonews.com Wardhiigleey, Xamar – Dabayaaqada toddobaad kasta, Sahal Baana wuxuu gaari Jente-dieshe ah kusoo galaa laamaha kala duwan ee degmada Wardhiigleey. Wuxuu isa soo taagaa ilinka cid kasta oo macmiil u ah si uu gashinka uga fogeeyo. Bulshada dhexdeeda, tani waa howl aan aad looga tix-gelin ka shaqeynteeda. Hayeeshe, Sahal iyo jaallayaashiisu waxay u arkaan howl muhiimad ...

Read More »

Jaceyl: sheyga aynu wali dhihin!

Qeybtii 4aad; “Hadda,” ayuu yiri. “Maxaad qabataa?” “Waxna,” ayay tiri. “Balse waxyaabo badan ayaan isku dayay.” Ma aysan doonayn inay u sheegto shaqooyinka fud-fudud ee aan joogtada ahayn ee ay ku howlaneyd kuwaas oo laga yaabay inay shaqooyin ballaaran oo joogto ah ugasii gudbi doonto balse aysan wali helin. “Marka, hadda waxna ma sawirtid miyaa gebi ahaan?” “Kaliya ilinnada iyo ...

Read More »

Jaceyl: sheyga aynu wali dhihin!

Qeybtii labaad: Dhugasho dheer ayay ku eegtay. Wuxuu ahaa sidiisii. Bidaar kuma sibqin sida ay rag badan oo qeyrkiisa ah ku aragtay. Hayeeshe garbihiisu way fideen; foolkiisuna si aan la dareemayn ayuu u ballaartay. “Waxaan u imid tacsi,” ayuu sii waday. “Geerida aabahay. Wadne qabad ayuu lama filaan ugu dhintay.” “Waan ka xumahay,” ayay tiri. Waxay gocatay siduu aabihii u ...

Read More »

Jaceyl: sheyga wali aynu dhihin!!

Qeybta Koobaad: Hortiisa ayuu ka arkay wuuna gartay durbadiiba. Wuu usoo rocleeyey jeer uu garabkeeda kusoo beegmay kadibna wajigeeda hor istaagay isaga oo la yaab ku dhoolla-caddeynaya. Uma aysan muuqan sidii 15-jirkeedii. Judhiiba ma aysan dhugan. Dukaan daaqadiisa ayay wax ka eegaysay. Wuxuu yara jiiday garba-saarkeeda. “Haye, Bullo,” ayuu si edebeysan u yiri. Wuu ogaa inaanu qalad sameyn. Hadda ma ...

Read More »

10–faa’iidood oo waayeelka Soomaali laga barto!

Muqdisho (Himilonetwork) – Waayeelladu waxay tusaale nool u yihiin da’yarta soo baxaysa. Da’yartu waxay xikmadda iyo garashadaba kasoo garoocdaan xiska waayeellada. Waayeelladu waa kuwa nagu toosiya dhabaha saxda ah maadaama ay nolosha in-badan nooga xog-ogaalsan yihiin. Marista ay mareen waayaha aynu hadda maraynaa, waxay awoodaan inay nagu hagaan nolol dhurowda. Hayeeshe, waayeelladu ma helaan qiimihii ay in-badan nagu mudnaayeen. Looma ...

Read More »

Maxaa Soomaaliya horumarkeeda ku gudban?!

Muqdisho (Himilonetwork) – Wax-ka-badan 20—sanadood oo dadaal aan hakad lahayn loogu jiray dib-u-hanashada dowlad dhexe oo heykal adag ku is-taagta, dalka dhaca geeska Afrika wuxuu ku san-saan yahay dalalka dib-u-dhac dabadiis soo kabanaya. Muddo dheer oo uu jihada ku toosan jidka lagu gaaro dowladnimada ka habowsanaa, ugu danbeyntii wuxuu helay wadadii uu ku tagi lahaa guryo-samida. Soomaaliya oo ah dal ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!