crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxaabiistii – Jahliga iyo Xabsiga – mar qura ka xoroobay! | HimiloNetwork

Maxaabiistii – Jahliga iyo Xabsiga – mar qura ka xoroobay!

Delhi (Himilonetwork) – Gacan-ku-dhiiglayaasha iyo af-duubatada kuwaas oo aan qabin dareen argagax leh oo la xiriira xukun-sugistooda, hadda waxay ku shamuumayaan buugaagta u taalla qolalka xabsiyada dhaca dhulka Mahatma Gandhi si ay wax ugu bartaan.
Xaqiiqdii, Xabsiga Dhexe ee Ahmedabad oo ah degmo kamid ah gobalka Gujurat oo uu kasoo jeedo RW Narendra Modi – kaas oo caan ku ahaa qalalaasaha dhiigu ku daato iyo danbiyada kala duwan, wuxuu isku bedelay xarunta wax-barasho. Mahad waxaa laga celinayaa dib-u-habeynta iyo barnaamijka dhaqan-celinta oo lasoo kordhiyay.
In badan oo manaxayaasha geystay gabood-fallada iyo kuwa ku eedeysan kufsiga waxay ku jiraan maxaabiista kor u dhaafaya 4,000 kuwaas oo mashruucan ka faa’iidaya.
Balse maanta, darsin kamid ah sharci-jebiyaasha waxay jaamacado iyo koleejyo qaali ah ka diyaariyeen marqaatiga koobaad iyo degree isugu jira dhammaan kulliyadaha wax-barashada, ganacsiga iyo dhaqaalaha, seyniska iyo tiknoolojiyadda iyo wax-barashada iyo adabka.
Jaamacadaha B.R. Ambedkar University, Vadodara’s M.S. University, Indira Gandhi National Open University, Annamalai University iyo dhowr kale oo ku gaaroobay culuumta beeraha ayaa maxaabiistan u oggolaaday inay isku diiwaan-geliyaan hab tacliimeedka ‘distance learning’ – iyaga oo sidoo kale usoo raray buugaag ka badan 50,000 si ay u aqristaan.
Tallaabadii ugu danbeysay waxay laheyd la yaab sunniyaha lala taago. 10-ka ugu sarreysay 77-ka maxaabiis ee imtixaanka ku gudbay – kuwaas oo xabsiga laga daayay – dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen qaraxii bambaano oo 56 qofood ay ku dhinteen July 26, sannadkii 2006.
Xittaa sannadkii 2016-ka, kaalinta koobaad waxaa kusoo fariistay Safdar Nagori, oo la rumeysan yahay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay dibadbaxyadii cabsida lahaa iyo helihii Indian Mujahideen oo kamid ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ardayda Hindiya oo la mamnuucay – taas oo la yaab ku noqotay saraakiisha xabsiga.
Kuwa kale ee natiijooyin iftiimaya kusoo baxay waxay sidoo kale ku eedeysnaayeen falal argagaxisanimo.
“Waxay aqriyaan buugaagta lagu keydiyay tacaaliimta Gandhi,” ayuu yiri Vivek Desai, maareeyaha Navjeevan Trust – oo ah guriga daabacadda oo Gandhi uu dhisay loona darbay in lagu baahiyo aragtida halgamaaga.
Marka loo eego V.H. Dindore, maktabadda jeelka waxay ku qalabeysan tahay ku dhawaad 20,000 buugaag isugu jira diini iyo maaddi. Waxaa intaas dheer, haddii maxbuusku uusan ka helin buugaagta halkan ku keydsan, wuxuu dowladda weydiisan karaa inay ula yimaadaan buugga uu jecel yahay.
Dhaqan wanaag
Dhaqtar lagu xukumay xabsi 10-sannadood ah sannadkii 2005, wuxuu aqriyay badi buugaagta maktabadda laga helo intii uu maxbuuska ku ahaa, wuxuuna ku biiray dhowr koorsooyin kala duwan ah. Waxaana uu helay 31 shahaadooyin jaamacadeed ah – oo u badan degree iyo dibloma – uu ka diyaariyay seyniska, ganacsiga, diiniga iyo wixii lamida kahor inta aan lagu sii deynin dhaqan wanaagiisa.
Goor aan dheereyn, 11 danbiilayaal ah oo xabsi daa’in ku qaadan lahaa jeelka Vadodara ayaa go’aansaday inay isku xoreeyaan darajada ugu sarreysa, waxayna heleen degree-yada maadooyinka ay jeclaadeen inay ku gaaroobaan.
In kale ayaa fursad dahabi isugu diyaarinaya ka bixitaankooda xabsiga, waxayna baranayaan luqadda Ingiriiska si ay shaqo fiican ugu helaan marka ay ka faaruqaan jeelka.
Haweenka ku jira jeelka ayaa sidoo kale helaya fursad ay wax ku hal-abuuri karaan: kuna dhalin karaan is bedelka ay doonayaan.
“Dhammaan tallaabadani waa qeyb kamid ah dhaqan-celinta iyo dib-u-habeynta aan ku sameynay xabsiyada, waxaana dooneynaa inaan helno maxaabiis 100% wax qori kara: aqrin kara, balse wali waxaa albaabada laga furayaa eedeysanayaal kale oo xabsiyada kusoo yaacaya,” ayuu ku sharraxay T.S. Bisht, oo ah agaasimaha jeelka.
Haddii danbiilayaashii hore ay doonayaan inay danbiyadooda ku nadiifiyaan jaceylka ay u qaadayaan aqriska buugaagta, qeyb kamid ah abaalkani wuxuu ku noqonayaa samafalayaasha Brahma Kumaris kuwaas oo saameyn raadeysa ku yeeshay qalbiyada maxaabiis badan oo noloshooda is-bedel u sameeyey.
Haddana waxay u baahan tahay dadaal aan yareyn si loo hubsado in maxbuus kasta oo halkan la keeno uu heli karo fursad aan kaliya u sahlin inuu bannaanka uga baxo jeelka, hayeeshe u sahlaysa inuu noloshiisa ka xoreeyo jahliga.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!