crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxaa Soomaaliya horumarkeeda ku gudban?! | HimiloNetwork

Maxaa Soomaaliya horumarkeeda ku gudban?!

Muqdisho (Himilonetwork) – Wax-ka-badan 20—sanadood oo dadaal aan hakad lahayn loogu jiray dib-u-hanashada dowlad dhexe oo heykal adag ku is-taagta, dalka dhaca geeska Afrika wuxuu ku san-saan yahay dalalka dib-u-dhac dabadiis soo kabanaya. Muddo dheer oo uu jihada ku toosan jidka lagu gaaro dowladnimada ka habowsanaa, ugu danbeyntii wuxuu helay wadadii uu ku tagi lahaa guryo-samida.
Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah dihin iyo duunyaba, wuxuu mar noqday mid kamid ah dalalka ugu sarreeya Afrikada xorta ah. Hayeeshe, heerkaas mar aynu tiigsanay, wali kuma filna inaynu si balaaran ugu faanno wax-qabadkeenna. Soomaaliya oo ah dal—dad iyo deeqba isku dheelli-tiran—sinnaba looguma magacaabi karo wadan sabool ah.
Hadaba, maxaa Soomaaliya dib-u-dhac u keenay?! Halkan waxaan kusoo ban-dhigi doonaa waxyaabaha dib-u-dhaca ku haya horumarka Soomaaliya.
  1. Midnimo la’aan ku dhex-jirta Soomaalida: Soomaaliya waa dal ay ku nool yihiin dad kawada midaysan dhaqan, dhiig iyo dhulba. Waa wadan ay dhif tahay in isaga oo kale dunida lagu arko. Waxaa jiray xilli Soomaalidu guri-samo ku wada noolaan jireen. Xilli ay gacmaha isku-dhiibeen si ay midnimada u adkeeyaan. Macno malahan inta gumeystuhu kala dhantaalay wadajirkooda. Hayeeshe, hadda dad wax-yar oo Qabyaalad la yiraahdo ku xidida-siibaya milgada midnimo, way adag tahay inay horumaraan. Inkasta oo hoggaamiyayaal badan isku dayeen inay midnimada ka shaqeeyaan, xubno dhowr ah oo hoggaanka ku jira ayaa Qabyaalada u adeegsada inay danahooda ku qunsadaan. Taas oo sii kala dishay midnimada Soomaalida. Ma jiro qaab ay Soomaaliya ku hormari karto iyada oo aan midnimo la helin; midnimana la heli maayo inta Qabyaalladu qiil leedahay.
  2. Majirto shucuur wadaniyadeed: sababaha ugu weyn ee ay Soomaaliya u horumari la’dahay waa muwaadiniinteeda. Qof kasta wuu ku uur-san yahay inuu eegto sida dalkiisu haadaanta ugasii dhacayo. Badi inteenna wax-baratay, heerka dunidu maanta kusii socotaa iyo sida aan isu kala dhiganay, fikir kama haystaan. Dal badi aqoon-yahankiisu garan la’yahay sida loogu jeesto horumarintiisa, way adag tahay in dal shisheeye oo dan-gaareed leh horumar laga sugo. Dadku waxay dhahaan siyaasiyiintu waxay ragaadiyeen mustaqbalka dalka, hadana qofna diyaar uma ahan inuu is-badal yar anba-qaado. Soomaalidu way u siman tahay kawada shaqeynta horumar ee dalka: mana ahan wax dowlad oo kaliya laga fisho.
  3. Musuq-maasuq: mid kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee horumarkeenna ku gudban waa musuqqa. Musuq-maasuqu wuxuu ka jiraa meel walba. Shaqaalaha dowladda ee calooshooda u shaqaysta oo aan danta guud isku howlin waa musuqleey. Falalka musuq-nimada ah oo ay xubno maamulka kamid ahi ku kacaan ayaa dowladnimada ka dhigtay wax laga shakiyo jiritaankeeda. Muwaadinku kalsooni kuma qabo dowladiisa. Meel musuqu kala dhantaalayo hanaan-socodka dowladda iyo shacabka, waxaa adag in horumar midaysan la gaaro. Inkasta oo dadka Soomaaliyeed Muslimiin yihiin, hadana Soomaaliya waa hal-qabsiga tusaale ee musuq-maasuqqa dunida. Taas oo Islaamkuna uu meel adag ka istaagay ku dhaqankeeda. Xittaa ku tilmaamistaas foosha xun, waxay sawir qaldan ka gudbisay heybadii Islaamka.
  4. Hufnaan la’aan: caafimaadku waa u muhiim Bani’aadanka. Si loo sugo faya-qabka habboon, nadaafad bilic leh ayaa loo baahan yahay. Hayeeshe, Soomaaliya waxaa ka jira uskag, qashin iyo qurun meelo badan taas oo xaaladda nololeed ee dadka il-daraysay. Dadku meeshii ay marayaanba waxay ku shubaan qashin. Meel jidadka la marayo sidii bullaacad wasaqda loogu qubayo, waxaa adkaanaysa isku scodka dadka iyo ganacsiga, ka sokow dhibaatada caafimaad darri ee ka dhalan karta. Tani waxay il u noqotay faafista cudurro dhowr ah oo nadaafad darri salka ku haysa. Haddii shantii qofba midkood laga yaabo inuu ku bukoodo cudurro ka dhashay hufnaan la’aan, way adag tahay in horumar la sameeyo. Bilicsamida guud ee dalka waxay faa’iido badan usoo jiidaa dadka iyo dalka. Caafimaadsan, isku socod sahlan iyo in dalku helo dalxiisayaal usoo daawasha taga mustaqbalka, waxay ku tiirsan tahay in la ilaaliyo hufnaanta dalka iyo dadkaba.
  5. Garsoor-darri: mid kamid ah waxyaabaha Soomaaliya horumarka u diidan waxaa ugu weyn cadaalad-darrida. Cadaaladdu waa biladayaha shacabku ka eego wax-qabadka dowladnimo. Haddii cadaaladu hagaagto, xiriirka iyo kalsoonida shacabka iyo dowladda ka dhaxeeya ayaa samaada. Helidda garsoor mida oo madax iyo mijaba ku wada qancaan, waxay nagu ridi kartaa dhabaha habboon ee gaarista barwaaqo iyo baraare. Sidoo kale, shacbiga laftigiisa, si siman isuguma gar-qaadaan sababo jira awgeed sida: qabyaaladda. Meelaha ay inta badan shacbigu garsoor xumida ku falaan waxaa kamid ah: fursadaha shaqada iyo waxbarashada, kala horumarinta bukaannada isbitaallada qaab ina-adeersi ah iyo wixii lamid ah. Waa in hadaba la joojiyaa namuunka nin-tooxsi ee kala dilaya uur-fayoobida umadda.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!