Baxaalliga Maroodiga!!
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
August 6, 2015
765 Views
Qeybtii 3aad:
Maroodigu wuxuu cunaa xad-dhaaf dhir cagaaran ah. Maroodiga raxanta hoggaamiya, wuxuu cuni karaa in ku dhow 225 kg oo cunno ah maalintii. Maroodigu waa inuu cunaa oo uu cabaa in badan si uu haqab-beel uga dhigo jirkiisa qirada weyn.
Maroodigu waxaa kale oo uu leeyahay laba Ganood oo faan-Maroodi lagu magacaabo aadna qaali u ah. Faantu way sii kobocdaa inta uu nool yahay. Faanta ugu dheer waxay gaartaay 4 Mitir oo dhirir ah iyo 140 kg oo dhumuc. Maroodigu wuxuu noolaan karaa in ku dhow 70 sano wuxuuna gala rabbaayad/qabbaansi. Meelo dunida kamidana, sida Hindiya iyo Zaire, waxaa loo leyliyaa mashaariicda Keymaha sida goysmada iyo qardeynta.
Maroodi ood-jiid buu ku kala haray!
Qiso sheeko ahaan loo weriyo ayaa tibaaxda in Maroodigu ku kala haray hadba kartidiisa awoodda iyo xoogiisa xaddiga ka baxsan. Waxay qisadu sheegtaa in kii xooggiisu cajabiyaba uu kaltan xagga hoggaanka ah kula dhaqaaqo Abbaan-duule Abeer Maroodi.
Waxa uu inta soo rujiyo geed sal-weyn oo u culus sida kan Yaaqa oo kale ayuu wadada bartankeeda dhex-cuyubaa deedna meel gees ah iska fariistaa. Raxanta inta badan iyada waxaa badi hoggaan u ah Qalanjada halka Abeerkuna uu gadaal kasoo qumiyo. Markay raxantu ku timaado halkay jid-gooyadu taallo, ayay wada istaagan iyaga oo aan ka weecan jid-gooyada. Kolkaas ayaa Abeerka raxanta horfiiqaya inta uu yimaado isku dayaa inuu jid-gooyada qaado. Haduu ku guuleysto inuu qaado jid-gooyada, waxaa iska istaaga kii jid-gooyada dhigay si uu daaqsi ku filan oo uu mar kale kaga awood badiyo u doonto. Hayeeshe, haduu rujin waayo jidgooyada, wuu iska huleelaa. Raxantana waxaa hoggaankeeda la wareega kii jid-gooyada dhigtay.
Halku-dhigyadii laga yiri Maroodiga waxaa kamida;
-
Maroodi ood-jiid buu ku kala haray!
-
Maroodiyow, waxaad mir kagoysaba, maroorkaaday ka jeeban tahay!
-
Maroodi takar saaran ma arko ee mid ku kale saran buu arkaa.
Xigasho–buugga Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal”
Related
2015-08-06
You must log in to post a comment.