crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqayaad la yiraahdo: ‘Bixi wixii aad doonto’ oo ku taalla Singapore | HimiloNetwork

Maqayaad la yiraahdo: ‘Bixi wixii aad doonto’ oo ku taalla Singapore

Singapore (Himilonews) – Marka qofku gaajada dareemo, meesha ugu fudud ee uu ka heli karo cunnno uu ku haqabeelo ayuu abbaaraa isaga oo hadba ku tashanaya wixii jeebkiisa ku jira ama lacagta uu sito inta ay la egtahay. Haddayse qofku ku adkaato in lacag uu wax ku cuno waayo, wuxuu ugu yaraan gaajadiisa–hadduusan dawarsi iyo boob wax ku dayin. 
Balse marka aynu joogno dalka Singapore, inaad lacag badan ama kugu filan u baahan tahay si aad u dheregto ma ahan waxaad ka walwasho–gaar ahaan kolka aad ku sugan tahay maqaayadda Ana-lakshimi oo ah maqaayad aan laheyn qiimo go’an oo qofka wax ka cuna loo sheego inuu bixiyo. 

images pay-as-you-wish

Caadiyanba, marka aad booqato maqaayad, waxaa dhacda in lagu hor keeno karbad yar oo lagu qoray dalabka cuntada ku diyaarsan keydka iyo qiimaha mid kasta–si aad u doorto rabitaankaada adiga oo ku sargoynaya tabartaada. 
Hayeeshe, gudaha Maqaayadda Ana-lakshimi oo laba farac leh dal-yaraha Singapore karbadka lagu horkeeno waxaa kaliya kuugu qoran nuuca dalab ee cuntada aan u baahan tahay in laguu keeno oo kaliya! 
Cun oo dhereg–kadibna markaad haakah tiraahdo, iska dhiib waxaa doonto waa dulucda maqaayaddaba loo yagleelay. Waana maqaayad la gorgortanta dubaaqa qofka macmiilka ah maya dibnihiisa.  
Ana-lakshimi ayaa dhisan muddo ku dhow 25–sano waxaana macmiil u ah dad aan tira-yareyn oo kadib sida loogu kalsoonaaday naftooda, kalsoonida u siistay sharafta xurmadooda. Qof kasta oo wax ka cuna maqaayadda wuxuu soo hor istaagaa qasnajiga isaga oo bixiya wixii uu doono deedna iska baxa–iyada oo aan  lala doodin ama aan lala murugoon wixii uu baxshay–hayeeshe looga mahad-naqo. 
Dadka qaar ee halkan yimaada ayaa is-garta iyaga oo bixiya lacagta waxa ay cuneen ay qiima ahaan magaalada kala siman tahay–halka kuwana ay wax ka badan bixiyaan. 
Balse waa inyar kuwa ka gaabiya wixii ugu badnaan laga filayey. 
Madaxa maqaayadan oo ah haweeney Hindi ah ayaa tilmaantay inay bilowgiiba ku dhiirradeen sida looga faa’iideysan karo qofnimada asalka ee insaanka Ilaahay ku beeray–in kasta oo iyadu aaminsan tahay diinta Hinduuga. 
Filashadaasna wayna ku guuleystay inay ka hesho mujtamaca ay la nooshahay. 
Ma ahan wax la fogeysto in maqaayadan oo kale laga heli karo dal–sida Soomaaliya oo kale Islam ah in laga dabaqi karo dhexdiisa. Balse tani ayaa muujinaysa in fitrada qofka Bani’aadamka ahi wanaag Ilaahay asal ugu dhigay oo aan baxaalligiisu xumeyn.
Si kastaba, tani waa maqaayad lagu dhisay kalsooni laguna gardaadshay is-garasho laguna kobciyay is-xilqaan. 
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!