Singapore (Himilonews) – Marka qofku gaajada dareemo, meesha ugu fudud ee uu ka heli karo cunnno uu ku haqabeelo ayuu abbaaraa isaga oo hadba ku tashanaya wixii jeebkiisa ku jira ama lacagta uu sito inta ay la egtahay. Haddayse qofku ku adkaato in lacag uu wax ku cuno waayo, wuxuu ugu yaraan gaajadiisa–hadduusan dawarsi iyo boob wax ku dayin.Â
Balse marka aynu joogno dalka Singapore, inaad lacag badan ama kugu filan u baahan tahay si aad u dheregto ma ahan waxaad ka walwasho–gaar ahaan kolka aad ku sugan tahay maqaayadda Ana-lakshimi oo ah maqaayad aan laheyn qiimo go’an oo qofka wax ka cuna loo sheego inuu bixiyo.Â
 