crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kasbigu ma ahan wax la isku caayo–fadlan qadari ama qiimee howlaha xirfadleyda | HimiloNetwork

Kasbigu ma ahan wax la isku caayo–fadlan qadari ama qiimee howlaha xirfadleyda

Muqdisho (Himilonews) – Xirfadda qofnimo waa door bulsho. Shaqadu waa howl aalaaba joogto ah laguna howshoodo iyada oo badalkeeda lacag loo qaato. Dad badan waxay kala heystaan shaqooyin u kala gaar ah.
Howsha u baahan muruq iyo maskax ayaa lagu magacaabi karaa shaqo. Haddii qofka loo tababaro howl gaar ah waxaa dhacda inay helaan xirfad. Howlaha dhowrka ah ee qofku cimrigiisa ku qaato ayaa afka Carbeed lagu yiraahdaa mihnad.
Marka qofku howshoon yahay waxay u dhigantaa qof maalinkiisa wax kaga qabsaday muruqa maalkiisa oo ah xooggiisa.
Hammiga shaqadu ma ahan wax jiraal ah ee waa wax la hal-abuurto, wadada kaliya ee qofku howl qiima badan ku abuuro ayaa ah inuu jeclaado xirfaddiisa.
Sida ay horayba loo yiri: qof hadduusan maskaxda ka dhididin dhabarkuu ka dhididaa, dad badan oo ku nool dalka mahelaan nasiibka ah inay waxbarashada heer sare ka gaaraan. Hayeeshe, waxay helaan wadada geysa halka calafka loo qoray uu ka beegan yahay—taas oo ah inay xirfad noloshooda u xushaan.
Balse dhowr xirfadood oo qaarkood indha-ka-cabir Soomaalidu ku baratay, waxaa muuqata inaysan dadku la dhicin ka shaqeynteeda. Midka usoo bareerana wuxuu gaar ku yahay sumaddeeda.
Tira-dhowr xirfadood ah oo nolosheenna iyo horumarka dalkeenna muhiimad aad u ballaaran ugu fadhiya ayaa ah kuwa ugu liita ee aan micno ugu fadhin badi bulshadeenna.
Hayeeshe, marna joogsan meyso in qof danley ahi uu xirfaddiisa uga haro yaan laguu caayin—ee waxay hakad galinaysaa horumarka bulshadeenna.
Waxaa yaab leh in xirfadaha danyarteennu ama howl-wadeennada qaar ku xoogsadaan aan la mahdin waqtigay ku baxsadaan si ay ugu noolaadaan gudaha dal—70% da’yarta ku nool ay shaqo la’aan yihiin.
Kasbigu ma ahan ceeb, sida uu tilmaamay Suubanaha NNKH, bulshadeennuna way isku ceebeysaa had iyo jeer—iyaga oo qofka ugu yeera mihnadiisa maalmeed sida Cajiinleey, Qashinle iyo wixii la halmaala. 
Inta aanay jirin fiiro-gacaltooyo oo lagu eego qofka kasta oo doorkiisa bulsho kaalin kaga gala xirfaddiisa, ereyga shaqo la’aan wuxuu ku hari doona dibnaha bulsho xurmo iyo xaq-dhowr isku siin weyday juhdigooda si loo helo dad niyadsamaan ku meeli marsada noloshooda hoose.
Fadlan aynu ilaalino qadarinta iyo xurmada uu mudan yahay qofka shaqaalaha ee bulshada u qabta howlahooda hoose.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!