crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Booqashada Obama ee Masjidka Baltimore sawir ceynkee ah ayay direysaa? Muxuuse noqon doonaa mustaqbalka Muslimiinta Ameerika? | HimiloNetwork

Booqashada Obama ee Masjidka Baltimore sawir ceynkee ah ayay direysaa? Muxuuse noqon doonaa mustaqbalka Muslimiinta Ameerika?

Washington USA (Himilonetwork) –Kadib codsiyo badan oo kaga imaanayey Madaxweyne Obama muwaadiniinta Muslimiiinta Maraykanka oo ku saabsan inuu booqasho madaxweynanimo si rasmi ah ugu yimaado, 3-dii bishan ayuu kaga jawaabay inuu kal-fadhi kula yeesho Masjidka Baltimore oo ah xarunta Bulshada Islaamka ee Maraykanka.
Sabah Muktar oo jaamacadda Maryland ee Baltimore ka dhigata culuumta caafimaadka, oo la siiyay inay ereyga soo dhaweynta madaxweynaha guddoomiso ayaa hoosta ka xarriiqday sida laga fisho ka Muslim ahaan iyo sida ay ugu han-weyn tahay horumarka iyo waajibaadka dalkeeda—weero u muuqday inay taabanayeen waaqica dhabta ah ee nolosha qof Muslim Maraykan ah.
“Shaqsiyan ila hubsada inaan ahay madow-Afrikan-Muslim-Ameerikan ah oo ay mas’uuliyad iyo waajib ka saaran tahay dalkeeda sida qof kale oo ila mid ahba,” ayay tiri Sabah.
Booqashadiisa oo ah tii ugu horreysay ee uu ku yimaado Masjid ku yaalla gudaha Maraykanka taniyo inta xafiiska loo dhiibay 8-sano kahor, waxay xambaarsaneyd fal-celin culus oo ku aadan naceybka iyo takoorka ku socda Muslimiinta Maraykanka.
Gudaha wax—muwaadiniin badan oo usuuliyiin Kirishtan ah ay kamid yihiin—ku tilmaameen dharbaaxo kulul oo lala dhacay wajiyada Maraykanka, Obama wuxuu kaga jwaabay farriin fudud.
“Waxaynu u baahanahay hal qoys oo Maraykan ah. Mar kasta oo qeyb bulshadeenna kamid ah ay dareemaan liidnaan iyo takoor, waxay gunta hoose ka dhaawaceysaa jiritaanka qoyskeenna.”
Obama ayaa muujiyay dareenka ay ku heyso naceybka iyo weerarada ku socda Muslimiinta Maraykanka ee ka dhashay falalka argagaxisanimo ee ay geystaan kuwa uu ku sheegay inaanay matalin diinta Nabadda gaar ahaan weeraradii ugu danbeeyey.
“Dadku aalaaba waxay fal ay dhigeen inyar oo xagjir ah dusha u saaraan umad dhan caqiidadeeda,” ayuu yiri Obama.
Wuxuu qiray inay jiraan hadallada aan laga raalli-noqon karin oo dhawaanahan isasoo tarayay kuna aadan siyaasadda iyo Muslimiinta Maraykanka oo ay kamid tahay hadalkii Ben Carson uu ku sheegay in dastuurka Maraykanka iyo Shareecada Islaamku aan la isku lari karin oo uu diidi lahaa in qof Muslim ah Maraykanka madax looga dhigo USA.
“Kuma taliyeen in qof Muslim ah loo dhiibo talada Maraykanka ama uu madaxweyne ka noqdo,” ayuu yiri Ben Carson.
Sidoo kale, Isaga oo cuskanaya sida uu yiri caddeymo ku aadan in hal-fikirka iyo aragtida Muslimiinta Maraykanka ay halis ku tahay jiritaanka American-ka, Musharaxa Jamhuuriga ee u taagan qabashada xilka madax-tinimada Donald Trump ayaa ku baaqay in si ku meel-gaar ah loo mamnuuco Muslimiinta magan-galyo doonka ah.
“Donald Trump wuxuu ku baaqayaa in la hakiyo soo-galootiga Muslimiinta ee gudaha Maraykanka inta laga ogaanayo waxa qaldan ee dalka ka socda. Waayo malihin doorasho,” ayuu yiri Trump.
Balse Musharaxiinta kale ee kula loolamaya xilka madaxtinimo, way ku gacan-seyreen aragtidiisa.
Ahmed Rana iyo afadiisa oo Muslim Pakistan Maraykan ah, waxay qabaan in Obama iyo Hillary Clinton oo u taagan musharaxa xibsiga Democratic-ga ee madaxtinimada USA ay kasoo hor-jeedaan  takoorta lagu hayo Muslimiinta—iyaguna ay ayidayaan mar kasta.
“Obama iyo Hillary waxay kasoo horjeedaan naceybka iyo takoorka ku socda Muslimiinta. Waxaynu u codeyney laba jeer wuuna helay. Hillary-na waxaan filayaa in Muslimiin badan ay codkooda siin doonaan,” ayuu yiri Rana.
Isaga oo sii hadlaya, Obama wuxuu si adag ugu joogsaday qeybta ay Muslimiintu ku leeyihiin dalkooda Maraykanka iyo heerka ay ka joogaan.
“Haddii aad la yaaban tihiin inaad halkan wax ku tihiin iyo in kale—aan si cad idin kugu hubsado ka madaxweyne ahaan, halkan ayaad wax ku tihiin. Halkan ayaad leedihiin. Waxaad tihiin qeyb kamid ah Ameerika. Matihiin Muslim ama Maraykan ee waxaad tihiin Muslimiin Maraykan ah,” ayuu yiri Obama.
Obama kama dahsoona caqadaha sida maalinlaha ah u horyaalla Muslimiinta Maraykanka, balse wuxuu ku hal-adag yahay in kaalin iyo door aan laga mahad naqi karin ay ku leeyihiin nolosha America.
“Muslimiinta Ameerika waxay ilaaliyaan nabadgalyadeenna. Waa booliskeenna. Waa dab-damisyadeenna, waa sirdoonkeenna.Waxay si sumcad leh qeyb uga yihiin xoogga dalkeenna. Taas oo ka dhigan inay u dhiig-baxaan, u dhintaan una dhaawacmaan xorriyadeenna,” ayuu sii raaciyay.
Hayeeshe, xittaa dhab ahaanta in Muslimiinta Maraykanku ay adeegyada kala duwan ee Maraykanka qeyb weyn ka qaataan, kuma filna inay yareyso weerarada iyo naceybka lagu wado.
Wax-garadka ku sugan gudaha Maraykanka, waxay qabaan in booqashada Obama ee Masjidka Baltimore ay waji cusub u fureyso muuqaalka Muslimiinta America.
Anwar Chaudry oo kamid ahaa duqowdii ka qeyb-gashay kulanka madaxweyne Obama, wuxuu ku tilmaamay tallaabo qiima leh oo horay loogu qaaday isku xirka wada noolaansho ee bulshada Maraykanka.
“Khudbadiisu waxay dhiiri-gelin iyo xamaasad ku abuurtay bulshada Maraykanka oo dhan. Waxayna iftiimineysaa sida fudud ee aan iska kaashan karno dhisidda bulsho fayow oo niyad kula wada nool gudaha USA,”
Muslimiinta Maraykanka ayay dowladdu ku sheegtaa wax ku dhow 4-malyuun. Balse tira aan si rasmi ah loo shaacin ayaa tilmaanta in ku dhawaad 15-malyuun oo Muslimiin ah ay ku nool yihiin.
Si kastaba, cidna ma saadaalin karto muuqaalka xigi doona kadib booqashada Obama ee lagu arki doono dal-weynaha Maraykanka—mana la oga nuuca mustaqbal ee ku imaan doona Muslimiinta USA.
Isha: Mustaqbalradio.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!