crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhaqaatiir 128-xabo oo kiniiniyo daroogo ah kasoo saaray caloosha ninkii siday | HimiloNetwork

Dhaqaatiir 128-xabo oo kiniiniyo daroogo ah kasoo saaray caloosha ninkii siday

Muqdisho (Himilonews) – Nin ayaa loo xiray danbi ah inuu daroogada kaganacsado kadib markii lasoo tebiyay inuu 128—xabo oo kiniini daroogo ah uu liqay si uu sharci darro ugu daabulo gudaha dalka Imaaraatka Carabta, sida laga soo xigtay bileyska.
Bileyska Ras al-Khaimah ayaa sheegay inay xireen daroogiiste magaciisa lagu soo koobay AKK kadib markii lagu soo eedeeyey inuu daroogo uu kasoo daabulay dalka Pakistan soo galin rabay dalka Imaraatka si uu lacag u helo.
Waxaa lagu qaaday danbi ah daroogo ka ganacsiga. Bileyska ayaa sheegay inay ka war-heleen la tuhmaha kahor intaanu kasoo deign airport-ka ama gegida.
Saraakiil dhowr ah oo bileyska kamid ah ayaa garoonka ugu sugnaa imaanshiyihiisa. Saraakiisha ayaa wada kormeeray dhamaan rakaabkii diyaaradda—la tuhmuhuna wuxuu u muuqday mid baqsan oo walwalaya.
Waxaa loo xayiray su’aal weydiin wuxuuna qirtay inuu caloosha ku sido tira kiniiniyo daroogo ah. Waxaana loo qaaday isbitaalka. halkaas oo 128—xabo oo kiniiniyo daroogo ah laga soo saaray calooshiisa kadib markii la qalay.
128—da xabo ee kiniiniyada ah ayaa midkiiba waxay culus yihiin saddex pounds—waxayna ku kacayaan qiimo u dhow 136,130 oo doolar Maraykanka ah.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!