crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax kaga faham noloshaada waaya’aragnimada Waayeellada | HimiloNetwork

Wax kaga faham noloshaada waaya’aragnimada Waayeellada

Muqdisho (Himilonews) – Noloshu waa hadiyad sanku-neeflaha iyo noolaha oo dhan Alle hibo uga dhigay. Noloshu waa isu-geynta daqiiqadaha waqti ee cimrigaada. Waana gabagada, noloshaada waxa ku tirsama cimrigaada ee ma ahan sanadaha waxa ku tirsamay noloshaada.
Noloshu ma ahan inaad naftaada hesho ee waa inaad naftaada wax la abuurato.
Noloshu faham ahaan waxay riyo u tahay qofka caaqilka ah: ciyaar la tahay qofka doqonka ah—maadeys u tahay qofka hadontiilaha ah: iyada oo mahadhana ku ah qofka saboolan.
Balse garashada noloshu waa isha aad kaga gun-gaarto gabagabada cimri ee noloshaada.
Sida horayba loo yiri, noloshu waa safar. Qof kasta oo musaafir ku ahna waa inuu helaa sahay iyo sahan uu jidmarkeeda ku gudbo.
Helidda talo iyo tusmo kugu hagta dhameystirashada qeybaha kala duwan ee noloshaada waa u lama huraan qofka da’yarka ah ee ifka ku cusub!
Sidaas darteed, si uu ujjeedkaas u beegsado waxaa jira ilo kala duwan oo maax u ah murtida iyo miidda nolosha. Mid kamid ah ilahaas, waa da’da culus gaar ahaan waayeelka.
Sida ayba Soomaalidu horay ugu maahmaahday: war waayeel haddii la yeeli lahaa, Waraabe ri macuneen, waxaa wali muuqata in da’yartu aysan ka dhaadhicin qiimaha waayeelka nool ee ah warsidaha nool ee tagtadii shalay iyo horseedka jira ee baraaraha berito.
Hayeeshe, inta u dhaxeysa shalay iyo berrito, dhalinta maanta joogta waa inay ku dhacaan inay wax ka kororsadaan waayeelladeenna.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!