crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dad nolosha lagu gubay kadib tuhun laga qaaday fal ay ku kici jireen | HimiloNetwork

Dad nolosha lagu gubay kadib tuhun laga qaaday fal ay ku kici jireen

Lilongwe, Malawi (Himilonews) – Bileyska ayaa baaritaan kula dhaqaaqay dilka dad rayid ah oo aan wax galabsan oo ay nolosha ku gubeen koox careysan oo qowleysato ah bartamaha magaalada, sida laga soo xigtay bileyska Malawi.
Bileyska Nsanje ayaa sheegay in toddobada dhibane lagu soo eedeeyey inay sixir iyo faal ku kici jireen kadib kolkii lagu helay iyaga oo keydsanaya lifaha dadka albinos-ka: kuwa gibilka cad.
Gudaha wdamada qaar, lafaha dadka albinoska waa la dilaa kadibna waxaa loo adeegsadaa sixirka iyo wixii la halmaala.
Marka loo eego faallada baaritaan ee bileyska, dadka deegaanka ayaa bilaabay inay kooxdan uga shakiyaan wax sixir kadib kolkay dhugteen xogahooda.
Waa la gadaamiyay waxaana nolosha loogu wada gubay mid mid. Bileyska ayaa sidoo kale sheegay in tiro caruur ah ay indhahoodu ku arkeen gubista kooxdan lagu soo eedeeyey sixirka.
Ilaa hadda majirto tiro eedeysanayaal ah oo loo soo qabtay dhacdadan.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!