crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaal: Boolli Qaran!!–Qalinkii Xuseen Siciid Maxamuud (Mataan) | HimiloNetwork

Maqaal: Boolli Qaran!!–Qalinkii Xuseen Siciid Maxamuud (Mataan)

Hargeisa, Somaliland (Himilonews) – Sidaynu wada ogsoonahay umaduhu waxay leeyihiin Raad-taariikheed oo laga dheehan karo waayihii soo maray. Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa, isbaddaladdii kala duwanaa ee umadda Soomaalida soo maray qarnigii tagay.aniga oon soo wada bandhigeyn, laakiin dul marayaa. markii ay midoobeen labadii gobol ee koonfur iyo waqooyi, oo ay heleen xorriyad ku sheegtii ay badiba qaateen wadamadii Afriki,
sanadkii lixdameeyadii. siyaasiyiintii reer waqooyigu waxay ku hafteen oo afka u galeen kooxo maafiyo ah, oo muddo dheer macallin uu u ahaa Talyaanigu. Baandadii reer koonfureedka ilbaxnimadoodii, hab-dhaqankoodii iyo siyaasaddoodiiba,
waxay ahayd; “Qaataye Qaado”. Odayaashii midowga dalbaday ee reer  waqooyigu, waxay ku dhex milmeen Baandadii-Xamar. wax isbaddal ahna, kumay sameyn umaddii ay u tageen, waxayna noqdeen shakhsiyaad soo ambaday oo siminaar shaqo u yimid xamar.
Dawladihii Rayidka ahaa ee ka hanaqaaday Soomaaliya waxa loogu yeedhi jiray: (Dawladihii-Musuqmaasuqa), nasiib darada ugu weyn ee bohosha ka ridday reer waqooyiga waxay ahayd:
1.Qabyaaladdii iyo Maamulkii Dawliga ahaa oo isku milmaySida ka muuqata maanta Somalilandta calanka heshay.
2.Talabaadna waxay ahayd, Markii ay umadda hogaanka u qabteen dad aan masiirka dawladnimo aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn, isla markaasina geeska la galiyey aqoonyahankii iyo indheergaradkii umadda. xogaha aan ka helay dadkii wakhtigaasi xaadirka ahaa, waxay cadeeyeen in xisbigii SNL, Urursaday Dirawaliin iyo Afmiishaarro aan ehel u hayn maamulka umadda. sida maantaba ka muuqata Axsaabta Siyaasiga ah ee dalkeenna. Xisbigii NUF oo mideeyey dhallinyaro aqoon iyo karti u lahaa, samotabixinta umadda, farta ayaa loogu fiiqay dadkana waxa lagu tilmaamay sharwadayaal. taasina waxay dhaxalsiisay Dirawaliintii iyo Afmiishaariintii xamar iska dhiibay shuruud la’aanta, in loogu yeedho, “Qaldaamiin” iyo “lamma-Goodle” oo micnaheegu yahay laba go’le. Si kastaba ha ahaatee, Dawladdii musuqmaasuqa waxa afgambi milatari oo aan dhiig ku daadan xukunka kaga tuuray sanadku markuu ahaa, 1969kii askar uu hor kacaayey, Janaraal: Maxamed Siyaad Barre. Jaalle Barre waxa uu markiiba ku dhawaaqay Kacaan uu ugu magacdaray: “Kacaanka-Barakeysan”. kacaankaasi sida ay tilmaameen aragtiyo kala duwani muddo kooban waxa uu u shaqeeyey si lagu tilmaami karo; “Istusnimo”. Waxa la hirgaliyey nidaamkii Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan oo laga soo dheegtay shuuciyaddii ruushka taasina waxay sababtay in ay dalka ka dhacdo,Abaar iyo Busaarad isla mar ahaantaasina safaf dhaadheer loo galo Quutal-daruurigii. Nidaamkii Barre wuxuu markiiba ku fashilmay sida kuwii ka horreeyeyba, in ay Soomaaliya ay cagaheega isku taagto mar labaad oo ay ka baxdo (saaqidnimada iyo dib u dhaca). waxana uu baro dheereysiiyey dawladdii musuqmaasuqa ee u burburtay boobka iyo dhaca. waxana dhacday in uu baro dheereysiiyey wixii ay ku fashilmeen kuwii isaga ka horreeyey, gumaadkii iyo dhagarihii foosha xumaa ee ka dhacay wadanka, gaar ahaan gobolada waqooyi, aakhirkiina waxay dhalisay kacdoon shacbigu kala hor yimid nidaamkii Barre. Kacdoonkaasi oo ay hogaaminayeen dhaqdhaqaaqii SNM, kaas oo dagaal aan noociisa hore loo arag kaga dhex toosay xeryihii fadhiisinka u ahaa, cidamadii quwadda badnaa ee xooga dalka Soomaaliyeed, reer waqooyiguna u yaqaaneen,
“ Faqashta. kalmadda faqashta oo aan waydiiyey nin oday ah, waxa uu iigu micneeyey in ay la micno tahay, “ Baqqe” ama qofka si xun oo fool xun u carara.
Ugu dambeyntiina kacdoonkaasi waa kii sababay burburkii Nidaamkii Barre.
La soco taxanaha dambe………………….
Qore: Xuseen Siciid Maxamuud.(Mataan).
Hargeysa.Somaliland.
Email.Mataan7788@gmail.com
F.G: Aragtida maqaalka waxay gaar u tahay hal-qoraha faallada. Mana ahan mid ka turjumeysa bogga http://himilonetwork.com://himilonetwork.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!