Gabdhaha qaar ee Hindiya oo laga mamnuucayo adeegsiga mobillada gacanta–Ogow sababta!
Posted by: Zakariya
in Wararka
February 28, 2016
539 Views
New Delhi, India (Himilonews) – Xaafado dhowr ah oo galbeedka Hindiya kamid ah ayaa gabdhaha iyo haweenka aan la guursan ka mamnuucaya qaadashada ama isticmaalka mobillada iyaga oo sheegaya in tilifoonku uu hakad ka galinayo waxbarashadooda.
Xaafadaha Mehsana iyo Banaskantha ee gobolka Gujurat ayaa tallaabadan ku dhawaaqay waxaana durba ol’olaha kusoo kordhay xaafada kale oo badan, sida uu yiri Ranjit Singh Thakor oo madax ka ah golaha deegaanka Mehsana.
Mamnuucista ayaa ku dhaceysa gabdhaha ka yar 18-jirka iyo kuwa aan la guursan, sida uu yiri.
“Gabdhuhu waxba ma baran karaan hadday tilifoon heystaan wax walba oo aan fiicneynna way kala soo kulmayaan,” ayuu Thakor ugu sheegay qadka tilifoonka wakaaladda wararka ee Reuters.
“Wax ha bartaan, hana la guursado. Markaas iyaga ayaaba ugu danbeyntii heli doona xiriirka ay u nool yihiin,” ayuu sii raaciyey isaga oo ku adkeystay inay hadda midka waalidkooda guriga ku adeegsan karaan hadday doonaan.
Ma ahan markii ugu horreysay ee xaafadaha Hindiya qaarkeed tallaabtan lagaga dhawaaqo.
Xaafadaha gobolka bariga Bihar ayaa sharcigan oo kale soo rogay kadib kolkay bateen gabdhaha lala baxsado–iyaga oo mamnuucista ku tilmaamay xalka ugu habboon ee lagu xadidi karo.
Hindiya waa dalka labaad ee ugu weyn dalalka adeegsada tilifoonnada–halkaas oo hal bilyan oo adeegsadayaal ah laga heli karo dhexdiisa.
Gudaha Mehsana, qofka lagu helo danbigaas wuxuu bixin doona 2100 Rupees oo u dhiganta 31$ halka mid soo sheegana la abaal marin doono, sida uu yiri Thakor.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-02-28
You must log in to post a comment.