Faransiiska oo laga helay xabaalaha Muslimiiinta noolaa qarniyo hore
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
February 28, 2016
585 Views
Paris, France (Himilonews) – Lafaha dad noolaa casrigii dhexe oo ku jira godad jihadoodu ku tusmeysan tahay Makka ayaa laga helay gudaha Faransiiska.
Cilmi-baaris hidde-gal ah ayaa muujisay in saddexdan nin ay ab-ogaa ku ahaayeen waqooyiga Afrika, sida warsidaha Academic uu qoray.
Radio-carbon dating lagu sameeyey ayaa tilmaantay in lafaha meydadkani ay ka yimaadeen sida fog ee ugu dheer ee u dhaxeysa qarniyadii 7aad iyo 9aad.
“Waxaynu rumeysanahay inay kuwani ahaayeen Barbers la dhaqmay ciidamii Muslimiinta Carbeed intii ay ku jireen isku ballaarinta waqooyiga Afrika,” ayay tiri cilmi-baaristu.
“Waxaynu ognahay in Muslimiintu ay yimaadeen Faransa qarnigii 8aad, balse ilaa hadda maku hubsan karo caddeymo la taaban karo marinkii ay kusoo galeen,” Yves Gleize oo raad-raace ah ayaa u sheegay AFP.
Qabuuraha waxaa markoodii horaba lagasoo faagay meel u dhow Nimes xilli ay qolada dhismo waday ay qodeen godad ku dhawaa dhismaha.
Falan-qeyn foojigan ayaa tibaaxday in nimanku ay kala ahaayeen 20-25 jir, 30-35 jir iyo 50-jir.
Saddexda xabaal ayaa kala durugsanaa 2.5 mitir midkiiba.
Xabaal kale oo Muslimiin ah ayaa laga helay Marseille oo ka yimid qarnigii 13aad. Halka mid kale oo isna Montpellier laga helay uu kasoo jeedo qarnigii 12aad.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-02-28
You must log in to post a comment.